Halkani waa ceeryaanta Balanbaalista (Butterfly Nebula; سديم الفراشة) oo inoo jirta 3, 800 oo sannad-ilayseed, dhacdana ururka Dibuqallooca (Scorpius Constellation; كوكبة العقرب) ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee ururxiddigeedkeenna Diillincaannoodda (Milky way galaxy; مجرة درب التبانة).
Ceeryaantani waxa ay tobankii kun ee sano ee u dambeeyay ka samaysantay xiddig teenna u eg oo uu ka dhammaaday shidaalkeedii haydaroojiinta ahaa ka dibna lumisay tamarteedii, sida cadceeddeennuba ay 5 bilyan oo sano ka dib u lumin doonto shidaalkeeda oo ay u waayi doonto tamarteeda. Dabadeed waxa ay xiddigtaasi gudogashay in ay si tartiib-tartiib ah u weydo lakabyadeedii sare ee ka koobnaa gaasaska ay haydaroojiinta iyo hilyamtu u horreeyaan iyo boodhka kawniga ah, iyada oo ku sii deysay fagaagga ilaa ay sameeyeen muuqaalka ceeryaantan balanbaalista u eg ee aad aragto.
Masaafada u dhexaysa labada baal ee ceeryaantan waxa lagu qiyaasaa 3 sannad-ilayseed oo u dhiganta 28. 3 tirilyan oo km, heerkulkeeduna waa mid afka ku haya 30, 000 oo C° taas oo ka dhigan in ay ka mid tahay ceeryaamaha ugu kulul ee la yaqaan.