Nebi Daawuud & Nebi Suleymaan; Taariikh iyo Raadad (1)

Horraantii qarnigii 19aad, magaalada Ur (Ur; أور) ee Baaybalku ugu taalla in ay tahay meeshii Nebi Ibraahin uu ku dhashay, taas oo dhici jirtay deegaanka loo yaqaan Labada Webi Dhexdooda (Dijla iyo Furaat), gaar ahaan koonfurta Ciraaq, sidoo kalena ka mid ahayd magaalooyinkii ugu waaweynaa uguna ilbaxnimada iyo horumarka ballaadhnaa sida Baaybalku uu xusay, nusuusta diiniga ah ee Suumariyaduna ay uga warrameen, ayaa dadka qaar ay sheegteen in keliya khuraafo iyo sheekoxariiro ay tahay, oo taariikh ahaan wax jira aanay ahayn maaddaama wax raadad ah oo tusinayaa aanu jirin, oo warkeedu uu nusuustaas diimiga ah uun ku eg yahay, markaasna iyagu ay abuurteen ujeeddooyin diineed iyo kuwo siyaasadeed dartood.

Sawir cirka ah oo laga qaaday magaalada Ur ee aasantay

In muddo ah oo murankaasi uu jiray ka dib,  qarnigii 20aad horraantiisii, intii u dhexaysay 1922 – 1934, ayaa degelyaqaankii Ameerikaanka ahaa ee Seer Leenoord Wooli (Sir Leonard Woolley) iyo saaxiibbadii ay cilmibaadhis raadgoobid ah oo laga maalgalinayay Matxafka Ingiriiska iyo Jaamacadda Pennsylvania ku aadeen goobtaas. Faqid iyo baadhis aad u qotodheerayd ka dibna, waxa ay duldhaceen wax ka badan 1, 850 qabri oo 18 ka mid ahi ay qabriyo boqorro yiihiin, oo loogu tegay dahab iyo silver iyo agabyo janaaso oo aad qaali u ah iyo qalabyo kala duwan oo la la aasay. Qaarkoodna waxaa ku qornaaba magacyada boqorka ku aasaan, sida Boqorad Buwaabi (Paubi; بوابي), oo qabrigeeda laga helay xaradh magaceedu uu ku qoran yahay. Meelo kalena waxa laga helay dhismayaal horumarsan iyo xaradhyo ay ku qoran yihiin xeerar maamul oo aad u cajiib ah iyo xogo taariikheed, taas oo lagu ogaaday in magaaladani ay ka mid ahayd magaalooyinkii ugu horumarka iyo ilbaxnimada badnaa qarniyadii tegay, tabtii Towraad ay uga warrantay.

Alaabihii laga helay qabriga boqorad Buwabbi oo dib loo habhabeeyay

Akhriste, hordhacani waxa uu ina tusayaa sida dabiiciga ay u tahay ilbaxnimo iyo boqortooyo dhan iyo boqorradeeduba in ay qarsoomaan waqti waqiyada ka mid ah, loogana warheli waayi karo qarniyo badan oo kala dambeeya; iyo weliba sida nusuusta diiniga ahi ay u kaydiyaan taariikho duugoobay oo sida lagu helaa ay adag tahay. Dhanka kalena, waxa uu marag u yahay salfudaydka dadka qaar ay ku kacaan ee taariikhaha adduunka ay ku dafiraan, iyo sida salfudaydkoodaas raadadku ay uga dabatagaan, ka dibna wixii ay sheegan jireen ay waxbakamajiraan uga dhigaan waqti dheer haba qaadato e.

Is la qarnigaas 19aad dhexdiisa, waxa ay nimankaasi shakigeliyeen taariikhaha iyo shakhsiyadaha kale ee ku jira Towraadda iyo Qur’aanka kariimka ahba, gaar ahaan nebiyada oo Nebi Daawuud iyo Nebi Suleymaan ay u horreeyaan, iyaga oo shakigelintaas u cuskanaya laba qodob: 1) in aanay jirin raadad tusinaya jiritaankooda iyo boqortooyadooda toona, 2) iyo in tilmaamaha Towraaddu ay ka bixisay boqortooyada labadaas shakhsiyadood ay xadkabax yihiin oo ay muujinayaan in ay gacankurimis yihiin. Maantana, waxa qormadeennu ay ku dul wareegi doontaa labada qodob kooda hore ee raadadka, innaga oo ka bilaabi doonna jiritaanka labadaas nebi kuna xigsiin doonna boqortooyadooda oo iyada aynnu si faahfsaahsan ugaga warrami doonno qormada dambe, si aynnu u ogaanno in waxaas ay sheegeen uu dhab yahay iyo in sidii tii hore salfudaydoodkooda ay raadadku uga dabatageen.

Ugu horreyn, Daawuud iyo Suleymaan wax ay ka mid yihiin 25ka Nebi ee Qur’aanka kariimka ah lagu dhex sheegay, ruux wal oo muslin ahina uu aamminsan yahay jiritaankooda iyo nebinnimadooda maaddaama kitaab lagu kalsoon yahay oo caddaymo leh lagu magacdhabay. Qisadooda waxa lagu sheegay suurado kala duwan oo Qur’aanka ka mid ah, gaar ahaan Saad iyo Namli, waxaana Daawuud magaciisa uu Qur’aanka ku soo dhex arooray 16 jeer, wiilkiisa oo Suleymaan ahna 17 goor. Wax ay ahaayeen laba nebi iyo laba boqor oo nebiyadii iyo boqorrodii Reer Banii-Israa’iil ka mid ah, oo talinayay intii u dhexaysay 1005 -930 C. H (dabayaqaadii qarnigii 11aad ee miilaadiga hortii iyo qarnigii 10aad ee miilaadiga hortii, waqti hadda laga joogo 3029 – 2954 oo sano), waxaana Daawuud uu Muuse ka dambeeyay laba qarni ama laba qarni iyo badh.

Intaas marka laga yimaaddo, marka shakhsiyad taariikhnimaddeeda la xaqiijinayo waxaa loo kaashadaa waxyaabo kala duwan, waxyaabahaasna waxaa ka mid ah oo door weyn ka ciyaara nusuusta diiniga ah. Saxna ma aha in indhaha laga laabto oo waxbakamajiraan laga soo qaado, maaddaama ummad walba taariikhdeeda wax badan oo ka mid ahi ay ku kaydsan tahay kutubtooda diineed. Haa, waa ay jiri karayaan mararka qaar buunbuunin xadkabax ah oo ummadahaasi ay shakhsiyadaha taariikhiga ah ku sameeyaan , balse taasi ka ma dhigayso shakhsiyado sheekaxariirro (legend; أسطورة) ama sheekabaraley (myth; خرافة) ah oo aan taariikhda soo marin, haddii kalena Aliksandarkii Weynaa (Alexander The Great; الإسكندر الكبير) iyo Saayras (Cyrus The Great; قورش الكبير) oo maalin dhowayd aynnu ka warramaynnay ayaa dheekaxariirro noqon lahaa, waayo waxa sooyaalkooda lagu ladhay beeno farabadan oo aan sal iyo raad toona lahayn. Balse taasi ma ay dhicin waayo boqor taariikhdiisu ay  sheekoxariirro ka nabadgashay waa uu yar yahay ama maba uu jiro, taallooyinkoodiina waaba la hayaa oo gacmaheenna ayaa ay ku jiraan.

Daawuud iyo Suleymaanna, qisadoodu meesha ay Baaybalka kaga soo aroortay oo ah Sifriga Saamuwiil 1 fasalka 6aad (Samuel 1 ; صَمُوئِيل ١) waxa la qoray qarnigii sagaalaad ama sideedaad ee C. H, taas oo ah qarni ka dib geeridii Nebi Daawuud iyo Nebi Suleymaan, waana waqti ay adag tahay amaba aanay suurtogal ahayn in shakhsiyado noocaas ah iyo taariikho sidaas u weyn la abuuro dano siyaasadeed ama kuwo diineed dartood. Cahdulqadiim oo keli ahna, wax ka badan 1000 jeer ayaa magaca Daawuud uu ku soo arooray; halka Cahduljadiidna uu ku soo arooray 59 jeer. Markaasna, in aadyar la is ka sheegto in Daawuud iyo Suleymaan taariikh ahaan aanay jirin waa salfudayd aan cilmi iyo caqli toona shaqo ku lahayn.

Sidaas oo ay tahay, haddana markii shakigelintani ay timid waxa degelbaadhayaasha (archaeologists; علماء الآثار) iyo taariikhyahannadu ay gudogaleen raadinta waddooyin kale oo ka baxsan nusuusta diiniga ah kuwaas oo lagu xaqiijin karo jiritaankooda, sida qoraalladii xaradhka ah ee gidaarrada iyo dhagaxaanta lagu dhigi jiray, ee ummadihii hore ay u adeegsan jireen in ay ku kaydiyaan dhacdooyinkooda taariikheed ee muhiimka ah: ha noqdaan kuwo siyaasadeed sida magacyada boqorrada, guulahoodii, muddoxileedyadoodii, farriimaha, heshiisyada boqortooyooyinka, xeerarka, xuduudaha, iwm; ama kuwo diineed sida magacyada iyo shacaa’irta diineed , cibaaddooyinka, iidaha, iwm; amaba kuwo dhaqan sida gabayada, maahmaahaha, waqtiyada iyo barkulannada bulsheed, iwm.

Haddaba sida la is la wada og yahay, nebiyadu aad baa ay u la dagaalami jireen ugana digi jireen taallooyinka dadka lagu sawiro, si aanay sanamyo u noqon oo Ilaahay sokodii aan loo caabudin. Farqi baana u dhexeeya taallo (تمثال) iyo sanam ( وثن أو صنم), oo sanam walbaaba waa taallo balse taallo waliba sanam ma aha, waayo waxaa jira taallooyin badan oo aan la caabudin. Taasina waxa ay fogeynaysaa in la helo taallooyin anbiyada qaar ay ku sawiran yihiin sida boqorrada oo kale, amaba sawirgacmeedyo ay leeyihiin oo ay ku yaallaan. Markaasna, waxa soo hadhaya ee aynnu raadinaynnaa waxa ay noqonayaan waxyaabahii kale ee taallooyinka ahayn ee aynnu soo xusnay, sida xaradhyo magacyadooda lagu xusay, iwm, innaga oo maankana ku sii haysana in haddii xitaa la waayo macnaheedu aanu ahayn in aanay jirin amaba taariikhda aanay soo marin, maxaa yeelay waxaa la is la wada oggol yahay qaaciddada falsafadeed ee dhigaysa “Shay helitaan la’aantiisu ka ma dhigna jiritaan la’aantiisa”, oo haddii adigu aanad maanta i aqoon ka ma dhigna in aanan anigu jirin, ee adiga ayuun baan i ogayn.

Abraham Baayran (1909 – 2008)

Qarnigii 20aad dabayaaqadiisii, Julaay 1993, koox ka mid ah saynisyahannada raadadka oo uu u horreeyo Abraham Baayran ( Avraham Biran; أبرهام بيران) iyo saaxiibbadii waxa ay magaalada Tel Dan ee dhacda waqooyiga Falasdiin ka heleen xaradh marla’arag ah oo u noqonaya badhtamihii qarnigii 9aad ee miilaadiga hortii, waa keliya qarni ama qarni iyo badh ugu badnaan ka dib Nebi Daawuud (CS). Waxa xaradhkan guulihiisa ku kaydiyay boqor ka mid ah boqortooyadii Aaram ( Kingdom of Aram; مملكة آرام) oo Dimishiq ka talinaysay xilliyadaas, sida loo badinayana ah Xasaa’iil (Hazael; حزائيل) oo ah boqor Baaybalkana lagu dhex sheegay. Xaradhku ma wada dhammaystirna oo dhagaxa lagu dhigay qayb baa burburtay qoraalkii ku qornaana uu raacay, waxaana uu ku qoray yahay afka Aaraamka.

Xaradhka Tel Dan (Tel dan inscription; نقش تل دان)

Sida xaradhka ka muuqata, waxa boqorkani uu sheegayaa in uu dilay Jehoram oo boqorkii Israa’iil ah iyo Akhsiyah oo boqorkii Yahooda ah, isaga oo yidhi: “𐤁𐤉𐤕𐤃𐤅𐤃; Oo ka mid ah boqorradii Guriga Daawuud”. Waqtigii horena, waxaa caan ahayd in boqortooyooyinka loogu magacdaro guriga mid boqorradeeda ka mid ah, oo tusaale ahaan boqortooyadii Aarbaadh (Arpad; آرباد) ee waayadaas waqooyiga Suuriya ka talin jirtay waxa loo bixiyay Guriga Agowsi (House of Agusi; بيت أجوشي) iyada oo loo tiirinayo boqorkii Agowsi oo ka mid ahaa boqorradii halkaas. Sidaas aawadeed baana boqorkani uu u adeegsaday weedha ah Guriga Daawuud si uu u tilmaamo boqortooyadii qoyskii Nebi Daawuuud ay ka talinayeen. Waxaana xusid mudan, in is la ereygan “Guriga Daawuud” uu ku soo arooray meelo badan oo Baaybalka ka mid ah iyada oo looga jeedo qoyskii Daawuud ee talinayay, oo tusaale ahaan Sifrul-Muluuk waxaa ku yimid: “Waxa uu yidhi Yarbacaam (Jeroboam; يربعام): imika ayaa boqortooyadu ay u noqonaysaa Guriga Daawuud”. ¹ Mar kalena waxaa ku timid: “Israa’iil waxa uu ku caasiyay Guriga Daawuud ilaa maalinkan maanta ah”. ²

Markii la daahfayday xaradhkan aadka u naadirka ah, waxa afku juuqda gabay dhammaanba raggii shakigelin jiray taariikhnimada Nebi Daawuud iyo wiilkiisii Nebi Suleymaan, ee ku sheegi jiray in ay yihiin shakhsiyado sheekoxariirro ah oo Yuhuuddu ay abuuratay oo aan shakhsiyado taariikheed ahayn, maaddaama la helay daliil maaddi ah oo si toos ah u tilmaamaya una magacdhabaya Nebi Daawuud iyo qoyskiisii iyo weliba boqortooyadiisii, cidda tilmaamaysaana aanay ahayn Yuhuud ee ay tahay cadowgii Yuhuudda oo Aaraamiyiinta ah qarnigii 9aad ee miilaadiga hortii, ilaa heer Israa’iil Fiinkolostin ( Israel Finkelstein;  إسرائيل فينكلشتاين) oo ahaa raadadyaqaan hormuud u ahaa shakigelinta shakhsiyadaha nusuusta Towraaddu uu yidhi: “Suurtogal ma tahay in raadadku ay muujiyaan in Daawuud iyo Suleymaan ay laba ruux ah oo taariikh ah ay yihiin? Iyada oo murankaasi uu jiro, ayaa daahfayd laga helay goobihii qaddiimiga ahaa ee magaalada Tel Dan ee waqooyiga “Israa’iil” [Falasdiin] meel u dhow goobaha webiga Urdun uu beddelay dabeecaddii murankii ku aaddanaa jiritaanka taariikheed ee Daawuud iyo Suleymaan”. ³ Waxaana uu sii raaciyay: “Si fudud: waxa xaradhka Tel Dan uu markhaati madaxbannaan u yahay jiritaanka taariikheed ee tafiir talinaysay oo uu aasaasay xaakim magaciisu uu yahay Daawuud, taas oo jirtay jiilal yar ka dib waqtigii la aamminsan yahay in uu xaakimkaasi noolaa”. ⁴

Israel Finkelstein

Degelbaadhaha ku takhasusay raadadka taariikhaha duugga ah ee Yuusuf Gaarfinkalna (Yosef Garfinkel; يوسف جارفينكل) waxa uu yidhi: “Tilmaanta uu bixinayo xaradhkan ee ah “Boqorka Guriga Daawuud” waxa uu daliil asaasi ah u yahay in Daawuud uu ahaa shakhsiyad dhab ah oo taariikhi ah iyo aasaasaha tafiir xarun maamul ah laga soo bilaabo Casrigii Birta ahaa ee labaad”. ⁵ William G. Dever-na waxa uu yidhi: “Guud ahaan saynisyahannada waaweyn ee ku takhasusay xaradhyadii qaddiimiga ahaa waxa ay qabaan in xaradhkani uu ka hadlayo Guriga Daawuud, taas oo tilmaamaysa in uu jiray xaakim la odhan jiray Daawuud”. ⁶

Intaas ka dibna, la ma arag cid dambe oo dood gelisa jiritaanka taariikheed ee Daawuud iyo weliba wiilkiisa Suleymaan maaddaama haddii aabbaha jiritaankiisa uu sugmay ruux caqli lihi aanu ku doodi karin in wiilkiisu aanu jirin, oo safsado iyo qardajeex taariikheed loo arkayo. Allahumma marka laga reebo dadka qaar sheegtay in magaca meesha ku qoran ee “Guriga Daawuud” laga yaabo in aanu Daawuud ka hadlaynnin ee “الود” oo jacayl ah laga wado, oo la leeyahay ” بيت الود”,  markaasna meel magaceed la tilmaamayo, taasina waa wax aan suurtogal ahayn sida badi amaba dhammaan raadadyaqaannadu ay xaqiijiyeen, waayo taariikhda iyo xaradhyada lagu ma maqal meel la dhaho “بيب الود” oo Falasdiin ku taalla.

Xaradhka Miishac (Mesha stele; نقش ميشع)

Intaas waxa dheer, in is la magacani uu ku soo arooray xaradh kale oo isna u noqonaya qarnigii 9aad ee miilaadiga hortii, kaas oo 1868 laga helay mandiqadda Diibboon (Dibon; ديبون) oo ka mid ahayd boqortooyadii qaddiimiga ahayd ee waqtiyadaas ka talin jirtay dalka hadda loo yaqaanno Urdun gaar ahaan galbeedka Jordan ee Maw’ab (Moab; موأب). Xaradhkani sidii si le’eg waxa uu ka warramayaa sidii boqorkii Miishac ee boqortooyadii Maw’ab uu boqortooyadii Yahooda ee Reer Banii-Israa’iil uga soo ceshaday dhulalkii ay ka haysatay, isaga oo halkaas marka uu marayo ku soo dhex daray sadarka 31aas ee xarashka cibaaro ah “BT[D]WD ; ب-ت- [د] و -د”; macnihii Gurigii Daawuud. Waana akhris habdhaca hadalka la jaaqaadaya raadadyaqaanno badanna ay ku tageen, oo waxa uu ku jiray weedh ah: “Xuuruunaayim [magaalo Maw’ab ka tirsanayd] miyaa, waxaa degganaa Guriga Daawuud, ka dibna Kiimoosh ayaa igu yidhi dagaal ku qaad Xuuruunaayim oo qabo, waana aan weeraray, oo aan qabsaday”. Macnihii boqortooyadii qoyskii Daawuud ayaa haysatay oo aan ka soo ceshaday. Balse xaradhkan oo loo bixiyay Xaradhka Miishac (Mesha inscription;  نقش ميشع)  u ma cadda sidii kii hore ee Tel Dan uu u caddaa.

Akhriste, halkaas waxa kaaga cad in jiritaanka taariikheed ee Nebi Daawuud iyo qoyskiisii oo Nebi Suleymaan uu ka mid yahay ay tahay xaqiiqo taariikheed oo raadadku ay caddeeyeen nusuusta diiniga ah ka sokow, dhab ahaanna laga soo bilaabo maalinkaas xaradhka Tel Dan la daahfayday waa ay yar tahay in aad aragto ruux shakigelinaya jiritaankooda. Waqtigaas ka dibna  muranku ugu badan waxa uu is kug soo biyoshubmay heerka awoodeed ee boqortooyadaasi ay lahayd iyo dhulka ay ka talinsay, waana mawdduuca aynnu si faahfaahsan qormadeeda dambe ugaga warrami doonno taariikh ahaan iyo raadad ahaanba, haddii Alle idmo.

Tixraacyo

1. Sifrul-Muluuk 1: 12:26
2. Sifrul-Muluuk 1: 12:19
3. Israel Finkelstein and Neil Asher Silberman (David and Solomon, p. 263)
4. Tixraaca hore, b. 266)
5. Yosef Garfinkel (The birth and death of Biblical minimalism, p. 51)
6. William G. Dever (What Did the Biblical Writers Know and When Did They Know It?, p. 128 – 129)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top