Qur’aanka kariimka ahi waxa uu inna farayaa, in aynnu raadinno oo baadhno abuurku sida uu ku bilaabmay iyo sida uu ku unkamay, abuurka kawnka ama ka noolayaasha kuu doono ha noqdee, oo Alle waxa uu yidhi: “قُلْ سِيرُواْ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُواْ كَيْفَ بَدَأَ ٱلْخَلْقَ — [Ku] dheh: dhulka ku socda, oo soo fiiriya (ogaada) sida uu ku bilaabay [Alle] abuurka”. Mana aha muhiimaddiisa in uu isagu kaaga warramo tafaasiisha bilowgii abuurka iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray, ee adiga ayaa uu ku faray in aad raadiso, ka dibna adiga oo aqoon ku gaashaaman aad u fiirfiirsato oo aad ku tadabburto si ishaaraadka ku jira aad u ogaato.
Waxaana Alle aayaddan innagu dareensiinayaa, in dhulka laga dhex ogaan karo habka iyo qaabka abuurku uu ku bilaabmay, haddii kalena macno ma yeelateen “dhulka ku socda”! Iyada oo ay sidaa tahay, nasiib-darro muslimiinta badankoodu amarkaa ma ay fulin, is ku mana aanay hawlinba baadhidda bilowgii abuurka iyo raadintiisa toona; halka Daarwin oo muslin aan ahayni uu 25 sano raadinayay keliya noolayaashu sida ay ku bilowdeen iyo sooyaalkooda in uu ogaado. Is kaba dhaaf in ay baadhaan oo waqti iyo dedaal ay ku bixiyaan oo sidii Daarwin doon ay 5 sano saarnaadaan oo kolba geyi iyo dhul ugu socdaalaane, waxaaba laga yaabaa in xaaraan iyo dembi ay badhkood u arkaan in la raadiyo sida abuurku uu ku bilaabmay tiiyoo Alle uu farayba!
Jaarles Daarwin in kasta oo Aragtida Dhallanrogadka (Evolution theory; نظرية التطور ) uu ku darsaday mafhuumka ama fikradda ugu muhiimsan ee ah doorashada dabiiciga ah (natural selection; الإنتخاب الطبيعي) ee aawadeed isaga loogu tiiriyay, taa la jirkeedana uu faahfaahiyay oo hab cilmiyeed uu u soo gudbiyay, haddana ma ahayn sida aynnu soo sheegnay ruuxii u horreeyay ee dhallanrogadka noolayaasha ka hadla, oo rag badan oo muslimiin ay ku jiraan ayaa hortii sheegay, sida Miskawahayhi, Ikhaawu-safaa, Ibnu- Khalduun iyo kuwa kale oo badan. Sidaa aawadeed ayuu fisigisyahankii iyo faylasuufkii Ameerikaanka ahaa ee John William Draper buuggiisa Sooyaalka Loollanka Diinta iyo Sayniska (History of the Conflict between Religion and Science) uu Aragtida Dhallanrogadka ugu bixiyay Aragtida Muxammadiyada (Muhammadan Theory; النظرية المحمدية), isaga oo milicsanaya culimada iyo falaasifadaa muslimiinta ee qarniyo hore tibaaxay dhalanrogadka noolayaasha.
Haddaba si dooddeenna aynnu u meelaynno, waa in marka hore aynnu qoondaynno meesha muranku uu ka taagan yahay (محل النزاع), aragtida Daarwina ay dadka badankoodu ku mucaaradaan; waana asalka bani’aadanka oo aynnu qormooyinka dambe si fiican ugu furfuri iyo faahfaafin doonno. Laakiin waxa ka soo hadhay bani’aadanka, ee 8 ilaa 9ka milyan ee sinji ee kale iyo kuwii dabargo’ay ah, ma jirto wax aad ku diiddo in ay ka soo wada jeedaan unug keli ah, maxaa yeelay saynis ahaanna ku ma diidi kartid oo aragtidu 95 % ayaa ay sax tahay saynis ahaan, diin ahaanna ku ma diidi kartid oo meelna Alle ku ma odhan noolayaasha sinji kastaba si gaar ah oo madax-bannaan ayaan u abuuray, sida ay ku doodaan qolyaha loogu yeedho Khalqawiyiinta (Creationists) ee Kiristaanka u badan.
Abuurka Alle marka laga warramayana, macnaheedu ma aha in si kedis ah ama wax la’aan uu Alle ka abuuro shay kasta oo uu abuurayo, mana aha kaasi habka Ilaahay ee abuurka sinnaba, caalim muslim ah oo yidhina ma jiro. Alle waxa uu shay kastaba ku abuuraa qawaaniinta uu isagu dhigay uguna talogalay, isaga ayaana qawaaniintaa kaga shaqaysiinaya, maxaa yeelay qaanuun iskii u shaqayn karaa ma jiro haddii aan laga shaqaysiin, oo haddii tusaale ahaan 100 dollar aad haysato oo aad og tahay qaanuun sheegaya in marka 100 loo geeyo 100 kale ay 200 noqonayaan sidaa 200 ku ma helaysid, ee waa in 100kan aad kaga shaqaysiisid si 200 uu u soo saaro.
Sidoo kale, adiga oo og in Alle uu ku abuuray, haddana wax aad qirsan tahay in aanu wax la’aan kaa abuurin ama adiga oo dhammaytiran aanu hal mar adduunka ku soo dhex dhigin ee maraaxil aad soo martay, oo markii u horraysay noole-maniyeed yar oo ilma-aragtay ah oo ka mid ah 100 milyan oo noole-maniyeed oo ku dhex jira biyaha aabbahaa oo ugxanta hooyadaa la falgalay uu kaa uumay. Sidee markaa aad ugu qaadataa in marka la leeyahay Alle ayaa abuuray noolayaasha in si kedis ah ama si madax bannaan oo gaar ah uu wax la’aan mid kastaba uga abuuray?! Waa habufikir silloon runtii kaasi, wax alliyo wax uu fasirayaana aanu jirin.
Alle sinji ayaa sinji kale uu ka soo saaraa ama ka soo dhallanrogiyaa ama uu ka abuuraa, waxaana suurtagal ah in kaasi uu yahay ujeedka hadalka Alle ee “يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ — Ka nool ayaa Alle ka dhintay ka soo saaraa, ka dhintayna ku nool ayuu ka soo saaraa”, oo tusaale ahaan digaagadaha oo ah sinji nool waxa uu Alle ka soo saaray sinji dhintay ama dabar-go’ay oo diinasoorrooyinka ah sida aragtidu ay xusayso. Sidoo kalana waxaa jira sinjiyo ka soo dhallanrogmay sinjiyo kale oo kuwii ay ka soo dhallanrogmeenna nool yihiin iyana dabar-go’ay.
Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay qaladfahansan yihiin “كن فيكون” oo ay u haystaan in ilbidhqsi in uu ku ahaanayo looga jeedo, laakiin waa fahan qaldan, oo marka uu Alle leeyahay “فيكون ; wuu ahaanayaa” muddada uu ugu talogalay — Alle agtiisa waqti ka ma jiree — in uu jiraalka ka soo dhex muuqdo oo uu dhammaytirmo ayuu ku ahaanayaa, oo Ciise oo la yidhiba “كن فيكون” waxaa la is la qirsan yahay in sagaal bilood uu caloosha hooyadii Maryama ku jiray ee ilbidhiqsi isaga oo nin weyn ah aanu adduunka ku soo dhex dhicin maaddaama oo la yidhi Alle ayaa “كن فيكون” ku abuuray. Wax kastana Alle “كن فيكون” ayuu ku abuuray, taasna macnaheedu ma aha mar kasta in wax la’aan uu ka abuuray, oo adigaba Kunfayakuun baa lagugu abuuray haddana biyaha taranka ee aabbahaa ayaa laga abuuray. Waxa kale oo jirta culimo badan oo qabta in “كن فيكون ” looga muraadayo sida arrin marka Ilaahay uu xukmiyo uu hubaal la’aan u jirayo, ee aan labadan erey ee “كُن” iskood aan loo rabin.
Haddiiba xiddigaha, meerayaasha oo dhulkeennu ku jiro, dayaxyada iyo godadka mad-madowba uu Alle ka abuuray walax aad iyo aadyar, oo sida aynnu soo sheegnay sentimitirka marka bilyan tirilyan oo tirilyan oo qaybood loo qaybiyo qayb ka mid ah le’eg, sida ay qabto Aragtida Qaraxa Weyn ee badi ama dhammaan muslimiintu ay ku qanacsan yihiin, wax lagu diido ma jirto in Alle noolayaasha oo dhanna uu ka abuuray bakteeriyo yar oo 3.5 bilyan oo sano ka hor uu ku abuuray salka badda. Aragtida Dhallanrogadkuna shaqo ku ma laha waxyaabaha ay ku lifaaqdaan mulxidiintu, ee qaar ka mid ah wadaadduna ay iyada u tiiriyaan, ee ay ka midka tahay in kedis (الصدفة ) ay noolayaashu ku abuurmeen in ay leedahay, ee taa lidkeeda kedisnimada ayayba ka soo horjeeddaa, oo malaayiin sano in ay qaataan ayaa ay tilmaamaysaa dhallanrogadka iyo isbeddelka iyo soo muuqashada noolayaashu.
Dhanka kale, dhallanrogadka noolayaashu ku ma dhisna isku-dhex-daadsanaan (random; عشوائية) sida ay u dhigaan ama u maleeyaan wadaaddada aragtida inkirsan ama maaga, oo haddii uu sidaa ahaan lahaa la maba fahmeen waxbana laga ma garteenba sida noolayaashu ay u soo kala horreeyeen iyo sida ay u soo kala dhallanrogmeen toona, maxaa yeelay wax is ku dhex-daadsan ayay ahaan lahaayeen sayniskuna wax nidaamsan ayuu ku shaqayn karaa oo uu fasiri karaa. Markaana waxaa cad in khiddad uu ku socdo dhallanrogadku ay jirto, oo nooleba noolaha uu ka dhow yahay ayuu ka qaab-dhismeed adag yahay (معقد); noolaba noolaha uu ka fog yahay taariikh ahaanna wuu ka qaab-dhismeed fudud yahay (بدائي).
Sidoo kale mabda’a ugu weyn dhallanrogadka oo ah doorashada dabiiciga ah, ma aha isna cashwaa’i walow uu indho la’ yahay, oo waxa uu doortaa noolaba noolaha uu deegaanka kala jaanqaadi og yahay e3 negaanshiyaha uu uga habboon yahay. Xitaa qodobka doorsoonnada (mutations; الطفرات) hiddesidayaasha ku dhaca marka la eegayo sida ay u dhacaan ma aha cashwaa’i, oo waa la ogaan karaa waana la xisaabin karaa shucaaca ka imanaya qorraxda ama xiddigga kale ee sababaya doorsoonka ku dhacaya hidde-sidayaasha oo qaanuunnada fiisigiska ayaa xukuma, in aan la garanayn waxa ka ratibmaya ama ka dhalanaya doorsoonkaana ka ma dhigna in uu cashwaa’i yahay.