Tegitaankii Aadamaha ee Dayaxa

Sooyaal ahaan, dadku cirka iyo fagaagga sare gaar ahaan dayaxa aad bay u danayn jireen, waxa aanad ka dheehan kartaa maansooyinkooda, sheekafaneedyadooda, sheekooyinkooda caadiga ah iyo guud ahaan suugaantooda tix iyo tiraabba. Mar waxa uu ahaa halbeegga quruxda lagu metelo, mar wehelka ruuxa guuraynaya ee gudaya iyo ka hurdadu u iman weyday ee habeenkii ledi waayay uu la faqo, mar kalena kaltirsiga maalmaha, bilaha iyo sannaddada.

Dhan saynisna, dayaxu waa dayaxa qudha ee uu leeyahay meeraheenna dhulku, waana dayaxa shanaad ee ugu weyn dayaxyada ururka qorraxda (solar system; المجموعة الشمسية ); marka meerihiisa loo eegana dayaxu waa ka ugu weyn dayaxyada kale marka meerayaashooda loo eego, dhexroorkiisuna waa 3, 474 km oo ah ku dhowaad afarmeelood meel ka mid ah dhexroorka dhulka, waxa uuna dhexdhexaad ahaan inoo jiraa 384, 400 km, mararka qaarna intaa waa uu ka fogaadaa mararka qaarna waa uu ka soo dhowaadaa wareeggiisa uu dhulka ku sameeyo aawadii. Da’ ahaan waxa uu jiraa 4.5 bilyan oo sano, taas oo ka dhigan in ay is ku da’ dhow yihiin dhulka inyar haba ka yaraadee.

Wareegga dhulka

Sida la wada og yahay, dhulku marka uu wareegayo waxa uu u wareegaa hab janjeedh ah, oo udubdhexaadkiisa qallooc baa ku jira, janjeedhkaas ayaana ay ka dhashaan xilliyada sannadka ee afarta ah: gu, jiilaal, dayr iyo xagaa. Dayaxuna waxa uu ka qaybqaataa janjeedhkaasi in uu halkiisa ku sugnaado oo aanu si weyn isu doordoorinnin, la’aantii ama inta uu le’eg yahay haddii uu ka yaraan lahaana janjeedhkaas ayaa wax uu is ka beddeli lahaa, markaana cimilada dhulka ayaa xummaan lahayd, waxa ayna taasi horseedi lahayd qabow daran ama kulayl daran oo galaafta noolayaasha saaran oogada dhulka. Sidoo kale waxaa laga yaabi lahaa in uu dhalaalo barafka labada cidhif ee koonfureed iyo waqooyi midkood, taasina waxa ay keenaysaa in heerka biyaha ee meeruhu uu kordho, oo daadad iyo fatahaado ay inna halaagaan.

Mar kale dayaxu waxa uu door laxaad leh ka ciyaaraa caariga badda (Tides ; المد والجزر ), keligiina ma aha ee cufisjiidadka cadceedda iyo wareegga dhulka ayaa kala qaybqaata. Caariga baddu dheef badan buu leeyahay, ay ka mid tahay in uu biyaha gunta hoose iyo kuwa korka si wacan ugu qaybiyo oksajiinta – taas oo kaalmaynaysa koritaanka dhirta badda ka baxda -, iyo sidoo kale qashinka in biyaha badda uu dibadda ugu soo baxo, kalluumaystada iyo ugaadhsatada kalluunkana waxa uu uga kaalmeeyaa qabsashada iyo dabashada kalluunka xilliyada baddu ay caarido. Waxa kale oo jira dad sheegta dayaxu marka uu dhammaystiran yahay in uu saameeyo maskaxda iyo dhiigga dadka, sidaas aawadeedna loo jideeyay soonka habeennada caddada ee saddex iyo tobnaadka, afar iyo tobnaadka iyo shan iyo tobnaadka, balse taasi saynis ahaan wax sugan ma aha, diin ahaanna ujeedkaasi mid soo arooray ma aha.


Intaas marka laga yimaaddo, hawsha ah in cirka iyo hawada sare loo duulaa waxa ay ahayd mid ka dhex guuxi jirtay maskaxda aadanaha, haba ahaato mid dadka qaar suurtogal la’aan u la muuqatay ama mid aad u adag oo aan laga dhabayn karine. Horraantii qarnigii 20aad, 1903, waxa ay ahayd markii u horraysay ee diyaarad mashiin ku shaqaynaysa insaanku uu ku duulo oo hawada uu ku maro, waxaana  tijaabadaas Orville Wright iyo Wilbur Wright  oo laba nin oo Ameerikaana ah. Sannadkii 1919na, waxa John Alcock iyo Arthur Brown oo British ahi noqdeen labadii ruux ee u horreeyay ee badweyn safar cirka ah ku dulmara, ka dib duulimaad qaatay 72 saacadood oo xidhiidh ah oo ay kaga tallaabeen badweynta Atlaantigga. Intaa ka dib qarnigii 20aad dhexdiisa waxa aad loo horumariyay diyaaradaha ilaa heerka hadda ay taagan yihiin la soo gaadhsiiyay, taas oo noqotay halabuurradii aadamaha kuwii ugu waaweynaa abid uguna dheefta badnaa.

Orville Wright iyo Wilbur Wright 

Halabuurka diyaaraduhu waxa uu waddada u xaadhay iskudayga in aadamuhu fagaagga iyo hawada sare daahfaydo ama aado oo uu u duulo,  oo xayndaabka dhulka uu ka baxo. Oktoobar 4, 1957, Midowgii Soofiyeeti waxa uu cirka u diray dayaxgacmeedkii u horreeyay sooyaalka aadamaha oo lagu magacaabo Isbutnig 1 (Sputnik 1; سبوتنيك 1), kaas oo ku wareegayay dhulka saddex bilood, ilaa ugu dambayn uu dib ugu soo noqday gibilka hawada oo halkaas uu ku gubtay. Laba sano ka dib, Sibteembar 13, 1959, waxa Midowgii Soofiyeeti uu dayaxa ka dul dejiyay qalabcireedkii (spacprobe;  مسبار ) u horreeyay ee dayaxa gaadha oo uu u bixiyay Luuna 2, kaas oo ka mid ahaa barnaamijkii Luuna ee daahfaydka dayaxa walow uu ku jajabay oogadiisa markii uu gaadhay. Abriil 12, 1961kiina, Yuri Gagarin oo u dhashay Ruushku waxa uu noqday ruuxii u horreeyay ee fagaagga sare aada, waxa uuna raacay markabcireedkii Foostok 1 (Vostok 1; فوستوك 1) isaga oo ku wareegay dhulka duulimaad qaatay 108 daqiiqo.

Yuri Gagarin

Markii Maraykanku uu arkay dedaallada is ka soo dabadhacaya ee uu wado Midowgii Soofiyeeti, oo waagaas dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay uu cirka marayo, waxa taasi ay ku abuurtay welwel badan iyo dareen ah in laga hormaray tiknoolajiyad ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba, wixii loo bixiyay Mushkiladda Isbutnig  (sputnik crisis) ee ka dhalatay qalabcireedkii Isbutnik ee Midowgii Soofiyeeti uu diray ee mar dhowaa aynnu soo xusnay, taas oo keentay in Maraykanka laga aasaaso Wakaaladda Cirka ee NASA, Julaay 29, 1958. Waxaana markaas kaddib Maraykanku uu bilaabay dedaalladiisii daahfaydka cirka, isaga oo May shanteedii 1961 diray markabcireedkii u horreeyay ee Maraykan laga leeyahay ee cidi ay saaran tahay, kaas oo lagu magacbaxday Freedom 7, isaga oo Alan Shepard noqday Ameerikaankii u horreeyay ee fagaagga aada.

Hadaljeedintii John Keneddy ee ku aaddanayd gaadhitaanka dayaxa

Taariikhdu markay ahayd May 25, 1961-kiina, waxa madaxweynihii Maraykanka ee John F. Kennedy uu Koongaraska ka hor sheegay in lixdameeyada qarniga 20aad inta aanay dhammaan kahor ay hiigsanayaan in ruux laga dul dejiyo dayaxa weliba si nabad ahna uu ku soo noqdo. Feebarwari 20keedii 1962kiina, waxa John Glen uu noqday Ameerikaankii u horreeyay ee saddex jeer dheer dhulka ku soo wareega, isaga oo saaran markabcireedkii Mercury-Atlas 6. Intii u dhexaysay 1962 – 1966-kiina, waxa Wakaaladda Cirka ee NASA ay gudogashay diyaarinta hawlgalkii gaadhitaanka dayaxa ee Abbooloo (Apolo; أبولو), waxa ayna hormarisay gantaalka Saturn V ee markabcireedyada lagu gaadhsiin doono dayaxa iyo markabcireedyada laftooda, iyada oo intaasna ku wadday tijaabbooyin dhulka ah oo tiro badan.

Dhinaca Midowgii Soofiyeeti, 31kii bishii Juun 1966, waxa ay ku guulaysteen in markabcireed (spacecraft; مركبة فضائية) ay si quruxbadan oo nabdoon uga dul dejiyaan dayaxa, waana markabcireedkii la magacabaxay Luuna 9 oo ka mid ahaa barnaamijkii Luuna (Luna) ee daahfaydka dayaxa, isaga oo markabcireedkani dayaxa ka soo qaaday sawirro dhowr ah oo fududeeday daraasaynta waxyaabaha ay ka kooban tahay oogada dayaxu iyo sida ay tahay, dhanka kalana caddeeyay in ciiddiisa lagu dul joogsan karo, taas oo waddada u feydday in lagu dhiirrado in aadame laga dul dejiyo.

Dhanka Maraykankana, Jeenawari 27, 1967 iyada oo lagu talojiro in dhulka lagu tijaabiyo Abbooloo 1 (Apolo 1) inta aan si toos ah loo dirin, oo ay markabcireedka ku dhex jiraan saddexdii nin ee raaci lahaa oo kala ahaa Virgil Grissom, Edward White iyo Roger B. Chaffee, ayaa cillad ay la soo deristay markabcireedka oo olol uu gudihiisa ka kacay, kaas oo keenay in daqiiqado yar halkaas ay ku gubtaan saddexdii nin oo badbaadana la la soo gaadhi waayo, halkaas ayuuna ku fashilmay iskudaygii koowaad ee barnaamijkii Abboolo.

Virgil Grissom, Edward White iyo Roger B. Chaffee; saddexdii nin ee ku geeryooday Abbooo 1.

Dhacdadaas ka dib, Wakaaladda Cirka ee NASA waxa ay billowday dibuhagaajinta waxyaabihii qaldamay Abboolo 1, iyada oo tirtirtay wax kasta oo olol keeni kara kuna beddeshay kuwo iyagu ka hortagaya gubashada, waxa aanay hawshaasi qaadatay muddo badan oo sannad iyo dheeraad ah. Ka dibna Oktoobar 11, 1968 ayaa NASA ay dirtay Abboolo 7 (Apolo 7 ; أبولو ) oo isagu si qurux badan ku soo dhammaaday. Waxaa saarnaa Wally Schirra oo hoggaamiyahaa ahaa, Donny Eisle oo duuliyaha ahaa iyo Walter Cunningham oo hageha ahaa, iyaga oo ku wareegayay dhulka fagaaggana ku jiray 11 maalmood, waxaana lagu tijaabbiyay xidhiidhka iyo khadka iyo habusocodka markabcireedka intaba.

Abboolo 8

Bishii Diiseembar 21, 1968-kiina, waxaa la diray Abboolo 8 iyada oo la adeegsanayo gantaalkii Saturn V, waxaana saarnaa Frank Borman, James Lovell iyo William Anders. Saddex maalmood ka dib Diiseembar 24 keedii ayaa ay gaadheen dayaxa, iyaga oo ku wareegay 10 jeer ku ma se aanay degin. Waxa uuna safarkani ahaa mid si toos (live) ah loo soo tebinayay oo shaashadaha telefishiinnada laga wada daawanayay, waxaana ay akhriyeen qaybo ka mid ah juska u horreeya Baybalka ee Sifru-Takwiin salaan iyo munaasabadda Ciidda Miilaadiga aawadeed, Diiseembar 27keedii ayaa ayna ku soo dageen Badweynta Baasifiga si nabadgelyo ahna looga soo qaaday. Sawirro dhowr ah bayna soo qaadeen dhulka intii dayaxa ay ku wareegayeen, oo uu ugu caansan yahay sawirka Dhul-Soo-Baxa (Earthrise; طلوع الأرض).

Dhulsoobaxa: waa sawir Diiseembar 24, 1968 dhulka uu ka qaaday William Anders oo la socday Abboolo 8, mar markabcireedku uu ku wareegayay dayaxa oo masaafo dhow uu u jiray.


Intaa ka dib, 3dii bishii March 1969 waxaa la diray Abboolo 9, kaas oo muhiimaddiisu ay ahayd in lagu tijaabiyo kala saaridda qaybta hadhow dayaxa ku degi doonta iyo qaybta korka sii joogi doonta iyo hadhow sida ay iskugu dhegayaan marka dib loo soo noqonayo. Abbooloo 9 waxaa saarnaa saddex qof, waxaana lagu tijaabiyay fagaagga dhulka, toban maalmood ka dibna waxa markabcireedkuu uu ku soo degay dhulka isaga oo noqday mid guulaysatay. Laba bilood ka dib, May 18, 1969-kiina waxaa la sii daayay Abboolo 10, oo isaga intii Abboolo 9 lagu tijaabiyay oo se hadda dayaxa agtiisa ah lagu tijaabinayay. Waxa uu xadka dayaxa galay May 22keedii, ka dibna waxaa la kala saaray labadii qaybood ee hore aynnu u soo sheegnay; qaybi halkeedaas ayaa ay ku sii wareegaysaa ta kalena dayaxa ayaa ay ku dhowaatay oo ay u jirsatay 15 km si loo sii tijaabiyo sida hadhow dayaxa loogu dul degi doono, ka dibna dib bay ugu soo noqotay qaybtii kale oo uu waday John Young oo waa ay isku dhegeen, dabadeed dhulka ayaa ay ku soo noqdeen May 26keedii 1969.

Bishan hadda aynnu ku jirno bisheedii, 55 sano ka hor, Julaay 16, 1969, waxaa la diray Abboolo 11 oo si toos ah uga dul degi doona dayaxa. Hawlgalkan waxaa lagu qiyaasaa dadkii isugu soo baxay goobtii laga dirayay ee Markaska Kennedy Space Center ee Floorida 500, 000 oo qof, dadkii shaashadaha ka daawanayay ee sida tooska ah u la socdayna 600 milyan oo qof. Waxaa saarnaa markabcireedkan Niyal Armistraroong ( Neil Armstrong) oo hoggaamiyaha safarka ahaa, Buzz Aldrin oo wadaha qaybta dayaxa dul degi doonta oo loo bixiyay Gallaydh (Eagle) ahaa, iyo Michael Collins oo wadaha qaybta dayaxa ku sii wareegi doonta ah.

Abboolo 11:  gaadhitaankii dayaxa

76 saacadood ka dib, Julaay 20, 1969, waxa markabcireedkii uu gaadhay xadka dayaxa, maalin ka dibna qaybtii “Eagle” ayaa ka go’day qaybtii kale, waxa ayna billowday in ay degto, iyada oo ku dul degtay meesha loo yaqaanno Badda Degganaanshaha (Mare Tranquillitatis; بحر الهدوء ). Waxaas oo dhamina waxa uu ahaa mid si toos (live) ah malaayiin qof ay u daawanayeen. Neil Armstrong-na baana nasiibwanaaggiisa noqday ruuxii u horreeyay ee labadiisa lugood saara dayaxa, isaga oo yidhi weedhiisii caanka baxday ee “Tani waa tallaabo yar oo iinsaan uu dhigay, laakiin waa booto weyn oo bashariyaddu ay boodday (That’s one small step for man, one giant leap for mankind)”.

Niyal Armistaroong markii uu labadiisa lugood saaray dayaxa, iyo odhaahdiisii uu yidhi.

Ilaa 21 saacadood ayaa ay ku dul sugnaayeen oogada dayaxa, iyaga oo intaas qaadayay sawirro, ururinnayay dhagaxyo iyo ciid iwm, si hadhow dhulka lagu la noqdo oo loo daraaseeyo, iyaga laftooduna tijaabooyin saynis ayay ku dul samaynayeen dayaxa. Sidoo kale waxa ay ka dul taageen dayaxa calanka Maraykanka, markii ay taagayeenna maaddaama hawo aanay ka jirin dayaxa, cufisjiidadka dayaxuna uu ka dhulka lix meelood meel ka mid ah le’eg yahay, waxa ay ku qasbanaadeen in ay xoog ku qotomiyaan, taas baana keentay in marada calanku ay dhexda ka godanto, oo sawirrada ay uga soo muuqato sidii in ay babbanayso, ilaa heer dadka qaar ay taa ka dhigteenba marmarsiiyo ay ku dafiraan in dayaxa laga dul degay, iyagoo yidhi: “Taasi waxay tusinaysaa in aanay dayaxa tegin maaddaama aanay dayaxa hawo ka jirin, calankooduna uu babbanayay.’ Waana salfudayd iyo qar-iska-tuur tusinaya in aanay mawdduuca wax baadhis ah ku samayn, oo wax kale iska dhaafe xitaa aanay muuqaalka sawirka laga soo jaray soo daawan, waayo waxay arki lahaayeen, sida cid wal oo daawatayba ay u aragtay, in calan babbanayaa aanu jirin ee calanku uu billow ilaa dhammaad sidaa u godan yahay

Buzz Aldrin oo dul taagan dayaxa

Dhanka kale waxa ay akhriyeen qayb ka mid ah Baybalka siiba Injiisha Yuuxanna, gaar ahaan labada nin waxaa akhrinayay Buiz Aldrin. Dabadeed si wadajir ah ayaa ay ugu dul tukadeen hab waafaqsan diintooda, si ay ugu muujiyaan dareenkooda rooxaaniyadeed ee daqiiqadahaa taariikhiga ah. Markii 21 saacadood ay dayaxa ku dul qaateen, waxa ay dib ugu laabteen qaybtii kale ee uu waday Michael Collins ee xadka dayaxa ku sii dul sugaysay, iyada ayaana ay ku wareegeen, waxa aanay u soo jihaysteen dhanka dhulka, iyaga oo maanta oo kale, Julaay 24, 1969, si nabadgelyo ah ugu soo degay Badweynta Baasifiga , halkaasna ay ka soo badbaadiyeen doomihii laga lahaa Ameerika, waxa uuna safarkaasi ahaa mid taariikh dahabi ah ka galay sooyaalka basharka.

Armistaroong iyo saaxiibkii waxa ay dayaxa kaga tageen raadad dhowr ah, oo uu ka mid yahay calankii Maraykanka, oo ilaa hadda ka dul qotoma, in kasta oo uu caddaaday fallaadhihii iyo shucaacyadii qorraxda – gaar ahaan kuwa fiyoolay-dhaafka ah (ultraviolet) – ee intaas oo sannadood ku soo dhacay dartood. Sidoo kale waxaa ka mid ah raadadkii ay kaga tageen agabyadii ay dhagaxyada iyo ciidda ku ururinayeen, raadadkii kabahooda oo ilaa hadda aan qarsoomin maaddaama biyo iyo hawo tirtaa aanay jirin iwm. Dhammaan waxyaabahaasina waa qaar ilaa hadda laga helayo dayaxa oo aaladcireed kasta oo dayaxa loo diraa ay sawiri karto. Dhanka kale waxa ay dul dhigeen muraayad ama soolar si looga la socdo masaafada fogaanshaha dayaxa oo ilaa hadda dul taalla.

Soolartii ay kor saareen dayaxa oo weli dul taalla (halkan eeg: https://en.wikipedia.org/wiki/File:Apollo_11_Lunar_Laser_Ranging_Experiment.jpg)

Sidoo kale waxa ay soo qaadeen xaddi aad u badan oo dhagaxyadii iyo ciiddii dayaxa ah, kuwaas oo lagu qiyaasay 21.6 kg (47.5 pound). waxaana qayb ka mid ah lagu hayaa markaska Johnson Space Center ee NASA ay maamusho, qaybo kalena waxaa loo qaybiyay matxafyada dalal kala duwan, sida Madxafka Washington ee Smithsonian National Air And Space Museum, ka London ee Science Museum London, iyo ka Texas ee Space Center Houston. Ruux kasta oo cilmi u lihina mid ka mid ah matxafyadaas iyo kuwa kale ee NASA ay u qaybisay dhagaxyadii iyo sample-yadii ay ka soo qaadday dayaxa wuu booqan karaa, baadhitaan jiyoo-kimistarina wuu ku samayn karaa si uu u ogaado dhagax dayax ama mid dhulka laga soo qaaday kuu yahay, cilmibaadhiso iyo daraasado saynis oo farabadan baana dabcan laga sameeyay oo dhinac walba ah.

Qayb ka mid ah dhagaxyadii dayaxa oo yaala markaska cirka ee Johnson Space Center’s vault ee gobalka Texas (xuquuqda sawirka: https://spacecenter.org/video-history-up-close-lunar-samples-vault/)

Sidoo kale halkaa ku ma joogsan barnaamijkii Abboolo, sida dad badan oo ku celceliya ‘maxaa mar labaad loogu laaban waayay?’ ay ku andacoodaan,  ee haddana waxaa Noofeembar 14, 1969 la diray Abboolo 12, waxaana saarnaa saddex cirbixiyeen oo kale, iyaga oo dayaxa ka dul degay Noofeembar 19, 1969. Haddana Jeenawari 31, 1971 ayaa la diray Abboolo 14, oo ay saarnaayeen saddex nin oo kale, iyaga oo dayaxa ka dul degay Feebarwari 5, 1971. Haddana Julaay 26, 1971 ayaa mar kale la diray Abboolo 15, waxaana sidoo kale ka qaybqaatay saddex nin. Haddana Abboolo 16 ayaa April 16, 1972 la diray dayaxana gaadhay April 20, 1972, ilaa ugu dambayn Diiseembar 7, 1972 la diray Abboolo 17, isagoo noqday kii u dambeeyay ee cidi saarnayd ee gaadha oogada dayaxa maaddaama laga xiisadhacay, lacagta ku baxaysaanaya ay aad qaali u ahayd, lix jeer oo kala duwanna lagu noqday oo 12 qofna ay ka dul dageen, dhanka kalena tartankii hawada lagaga guulaystay Midowgii Soofiyeeti oo wax keenaya in waqti kale lagu sii bixiyaa aanu jirin.

Abboolo 17( xuquuqda sawirka: https://www.nasa.gov/image-article/driving-moon/)

 Imika xilligan la joogana, sidii qormo hore aynnu ku faahfaahinnay, waxaa dedaalka ugu weyn lagu bixinayaa hawlgalkii meeraha Maaris lagu tegi lahaa. Waxaase nasiibdarro iyo wax laga murugoodo ah, in dad badan oo bulshadeenna  ka mid ah ay dhacdooyinkaas taariikhiga ah ee dunida soo maray iyo hawshaa dhan ee rag ay ku naf waayeen ee kumanyaal saynisyahanno, farsamayaanno iyo maalqabeenno isugu jiraa ay ka hawlgaleen uu shaki kaga jiro amaba ay gebi ahaanba dafirsan yihiin, oo shirqool iyo dhagar reer Galbeed ay u arkaan. Cid shakigelisana la ma arki jirin ilaa beryo dambe qolyo aan saynis shaqo ku lahayn ay soo baxeen, oo qodobbo liita cilmi ahaan oo qormada dhexdeeda aan ku caddaynnay jawaabahooda ay la shiryimaaddeen dunidana ay ku faafiyeen. Dhab ahaanna, haddii cidi ay shakigelin karto oo ay ka murmi karto, oo borobogaando, been iyo filin ay ahayd Midowgii Soofiyeeti ee dagaalka iyo tartanka ba’an uu ka dhexeeyay Maraykanka ayaa fashilin lahaa iyo dawladihii kale ee xilligaa dunida ka jiray ee xifaaltanku uu Maraykanka ka la dhexeeyay, balse taasi ma dhicin, cid ka hadashana lama arkin, waayo waxa ay ahayd xaqiiqo indhaha lagu wada arkay oo aan laga murmi karin.

1 thought on “Tegitaankii Aadamaha ee Dayaxa”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top