Marka hore ereyga “skepticism” asal ahaan waxa uu ka yimi ereyga Giriigga ah ee “skeptikos”, oo la macno ah “wax is weyddiiye”. Skeptic-yadii hore waxa ay is ka sooci jireen Dogmatists-ka (الدوغماطيقيين), oo iyagu ah dadka fikirro iyo caqiidooyin hubaal ah oo aad u xeeldheer gaadhay, in kasta oo hadda ereyga “Dogmatists” uu dhallanrogmad ku dhacay, oo loo adeegsado dadka aadka ugu tacasuba oo ugu dheggan ab-ka-soo-gaadhyadoodii hore, iyaga oo aan xitaa raalli ka ahayn naqdin, hubin iyo dib-u-eegis; heer caqli-la’aan ah.
Ereyga “Skepticism” marka ugu horraysa ee aad macnihiisa maqasho waxa laga yaabaa in aad u u qaadato in ujeeddadiisu ay tahay qof muddo gaar ah wax is weyddiinaya, ka dibna marka uu waxyaabahaa jawaabahooda helo shakiga ka baxaya. Laakiin arrinku kaas waa uu ka duwan yahay, oo Skepticism-ku waxa uu noqday mawqif falsafadeed iyo mad’hab sugan oo gaarkiisa u yaalla, kaas oo qaba — weliba qaybtiisa shakiga dhammayska tiran ah — in bani’aadanku asal ahaan aanu waxba garan karin, waxbana ogaan karin; in kasta oo badi faylasuufyadu ay mad’habkaa waxba kama jiraan ku sheegeen, doodihiisana ay waayo hore buriyeen.
Mad’habka Shakigu waa uu ka duwan yahay manhajka Shakiga, oo isagu ah manhaj qofku uu maro si uu hubaal (yaqiin) ugu gaadho. Dabcan waana manhaj muxtaram ah, oo waa kii ay mareen – tusaale ahaan – Abuu Xaamid al-Qasaali, Michel de Montaigne, René Descartes iqk. Laakiin mad’habka Shakigu waxa uu noqday aydhoolajiyad, oo qofku waxa uu u shakinayaa si uu u shakiyo; ee u ma shakinayo si uu hubaal u gaadho.
Shukaakiintu iyaga oo qaba in bani’aadanku aanu waxba garan karin, haddana waxa ay ku dhacaan isburin weyn. Taas oo ah, in marka ay lee yihiin “basharku waxba ma garan karo” ay is ka dhigeen in ay garanayaan in basharku aanu waxba garan karin, oo ay is ku sugeen garasho; taasina waxa ay ka hor imanaysaa mad’habkooga. Oo haddiiba basharku aanu waxba garan karin, suurtogal ma aha in skeptical-ku uu garto in aanu basharku waxba garan karin. Waxaana isburintan ka la mid ah qolyaha sheegta in aanay xaqiiqo jirin, oo marka ay leeyihiin xaqiiqo ma jirto waxa ay sheeganayaan in uu xaqiiqo yahay hadalkooda ah in aanay xaqiiqo jirin, taasina waxa ay burinaysaa warkoodii ahaa in aanay xaqiiqo jirin!
Faylasuufkii giriigga ahaa ee Diogenes (412 – 324 C. H) , oo ah mid ka mid ah kuwa ugu caansan Shukaakiinta, ayaa si uu uga baxo isburintan sameeyay khiddad cajiib ah. Ka dib markii uu cimrigiisa intii ugu badnayd uu ku celcelin jiray “basharku waxba ma garan karo”, ayaa ugu dambayn uu ka warhelay in uu mad’habkiisa ka been sheegi jiray, oo ugu yaraan uu sheegan jiray garashada hal shay, kaas oo ah in uu garanayo in basharku aanu waxba garan karin. Dabadeedna si uu uga baxo isburintaas, ayaa waxa uu galay aamusni dhammaystiran, oo uu ku qaatay intii ka hadhsanayd cimrigiisa.