Ilaahay Miyuu Soo Degaa Habeenkii

Ugu horrayn, ogsoonow in Alle uu ka hufan yahay tilmaamaha iyo u eekaanshaha makhluuqaadka iyo uunka uu abuuray oo dhan, maxaa yeelay Alle ayaa aayad culimada muslimiinta oo dhami ay is ku raaceen in ay muxkam tahay ku yidhi: “لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ — shay isaga [Ilaahay] oo kale ma ahaannin”, caqliguna waxa uu xukumay in Alle aanu cid u eekaan karin. Mabda’ ahaanna; dhammaan nusuusta mutashaabbiha loo yaqaanno ee macnayaashoodu is dheeh gashan yihiin ee qaarkoodna laga yaabo in Alle uu abuurkiisa uu eeg yahay in ay ku moodsiiyaan waxaa loo celiyaa aaayadaha muxkamka ah, waxaana lagu fasiraa macnayaal la jaanqaadaya kuwaa muxkamka ah, mabda’anina waa mabda iyo qaacido dhammaan culimada Usuulku ay ka midaysan yihiin oo wax war ah ahi aanu ka taagnayn.

Haddaba marka aynnu u imanno xadiiskan soo degitaanka ee badanka caamada sida qaldan loogu macneeyo ee dadka qaar ay aadka u warwareejiyaan, xilli wal iyo goob kastana ay ka sheegaan, iyaga oo uga dhigaya dadka in Alle uu si toos ah habeenkii u soo dego, waa in marka hore inta aynaan u gelin waxa culimadii salafka iyo kuwii khalafkuba ay ka yidhaahdeen aan is weyddiinno: ma waxaa jirta meel Alle uu saaran yahay si uu uga soo dego? Jawaabtu shaki la’aan waa MAYA, maxaa yeelay Alle goob waa uu ka hufan yahay, jiritaankiisuna meel iyo goob u ma baahna sida makhluuqaadkiisa, oo Alle iyada oo meelina aanay jirin ayaa uu jiray, haddana sidii uu u jiray intii aanu goob iyo goor toona abuurin ayaa uu u jiraa oo waxba is ka ma beddelaan. Mar haddii ay sidaa tahayna, waxaa qasab noqonaysa in soo degitaankan xadiiska lagu sheegay aanu ahayn mid xaqiiqo iyo in Alle daato ahaan uu soo degayo ah; illeen meel uu saaran yahay oo uu ka soo dego ayaan jirinba e. Sidaa aawadeed waa duurxul, oo sida Alle xilligaa uu ducada u aqbalo ayaaba lagu metelayaa sidii oo Alle uu xilligaa soo degayba, ee macnuhu ma aha in Alle uu xaqiiqo ahaan u soo degayo.

Hadalkani ma aha mid anigu aan leeyahay, ee waa mid culimadii iyo dhammaan imaamyadii diinta ee lagu kalsoonaa ay ku tageen. Ninka isagu leh Ilaahay carshiguu ku dul sugan yahayna, waxaa la weyddiinayaa waxa la og yahay in habeenku aanu dhulka ka dhammaanin, oo daqiiqad kastaba meel ka mid ah dhulka ay habeen u tahay, ee hadma ayuu Ilaahay carshigii aad tidhi wuu saaran yahay uu ku noqdaa?! Sida Imaam Bayhaqi uu kitaabkiisa Al-Asmaa wa Sifaad uu ku soo guurinayo, Imaamkii weynaa ee Xammaad ibnu Sayd (98H – 179) oo culimadii salafka ee aadka u horreeyay ka mid ahaa waxa uu yidhi: “Ilaahay soo degitaankiisa waxaa laga wadaa aqbaliddiisa”. ¹

Sidoo kale, imaamkiii weynaa ee Maalig ibnu Anas (93H – 179H) oo ah sheekha mad’habka Maalikiyadu uu ku abtirsado, waxaa isna laga soo raray sida Xaafid ibnu Xajar al-Casqalaani iyo Surqaani oo sheekha sharxay kitaabka Muwadda’a ee Imaam Maalig iyo culimo kale oo Ibnu Cabdilbar uu ka mid yahay, in xadiiskan uu ku fasiray in Alle naxariistiisa iyo amarkiisu uu soo degayo amaba malaa’igtiisu, sida boqorkaba loo yidhaahdo “waxaasuu sameeyay” iyada oo laga wado shaqaalayaashiisii ayaa amarkiisa ku sameeyay. ² Imaamkii weynaa ee Imaamul-Xaramayn al-Juwaynina waxa uu yidhi isgaa oo ka hadlaya xadiiskan iyo kuwa la midka ah: “Axaadiista ay ku dhedhegaan waa aaxaad aan cilmi (caqiiddo) horseedi karin, haddii dhammaantood aannu tuurnana waa wax socon kara, laakiin waannu ta’wiilinaynnaa intooda kutubta saxiixa ah ku qoran, ee uu ka midka yahau xadiiska soo deigtaanka”. ³

Imaamkii iyo xaafidkii Ibnu-Xajar al-Casqalaanina waxa uu yidhi: “Ibnul-Carabi waxa uu yidhi soo degitaanku waxa uu u noqonayaa ficilladiisa ee daatadiisa u ma noqonayo, bal e waxaaba looga jeedaa malag ayaa ku soo degaya amarkiisa”. ⁴ Waxa aanu sii raaciyay imaamku : “Marka la is ku soo duubo waxa uu [Ibnul-Carbi] u ta’wiiliyay laba siyaabood. 1) In macnuhu uu yahay arrinkiisa [aqbalaaddiisa] ayaa soo degaya ama malag ayaa amarkiisa ku soo degaya; 2) ama in loo duurxulayo sida uu ugu dhimrinayo dadka baryaya iyo sida uu ducadooda xilligaa u aqbalayo. Ibnu Fuurakna waxa uu culimada qayb ka mid ah ka soo guuriyay in loo shaqlayo “يُنزِل ; soo dejinayaa ” iyada oo ya’da la godayo, markaana macnuhu noqonayo malag ayuu soo dejiyaa. Xaafidkuna waxa uu yidhi, waxaa xoojinaya in sidaa arrinku uu yahay xadiiska Nasaa’i uu ka soo weriyay Aqar ee Aqarna uu Abii-Hurayrah iyo Abii-Saciid ka soo weriyay, kaas oo u dhignaa sida tan: “Ilaahay waa u kaadshaa dadka ilaa habeenka qaybtiisa hore ay ka tagto, ka dibna mid dhawaaqa ayaa uu amraa in uu dhaho ‘Yaa ducaysanaya oo la ajiibaa’. Waxa sidoo kale xoojinaya xadiiska Cusmaan ibnu Abil-Caas ee Axmed uu soo saaray, kaas oo ahaa “Mid [malag] dhawaaqa ayaa dhawaaqaya isaga oo leh ‘Yaa ducaysanaya oo laga ajiibaa’. ” Qurdubina waxa uu yidhi “Sidaas ayaa markaa ishkaalku uu ku suulayaa”. Baydaawina waxa uu yidhi, markii caddaymaha kama-dambayska ah ee hubaasha ahi ay dhgeen in Alle uu jismi ama walax in uu noqdo uu ka hufan yahay, waxaa ka reebtoonaaday soo degitaanka ujeedkiisu yahay guurguuritaanka meel laga guuro ee meel ka hoosaysa loo guuro, muraadkuna markaa waa nuurka naxariistiisa”. ⁵

Dhanka kale, imaamkii iyo mufasirki weynaa ee Abiibakar Ibnul-Carabi waxa uu mar kale yidhi: “Qofka la roor-roorraya daahirka xadiiska ku soo arooray soo degitaanku waa jaahil aan garanayn asluubta luuqadda Carabiga, meel uu uga baxsado waxa mustaxiilka fooshaxun ah [waa in Alle uu si xaqiiqo ah u soo degee] ma jiro sida Khaddaabi uu yidhi”. ⁶ Imaamkii Shihaab ad-Diin al-Qasdalaanina waxa uu yidhi: “Soo degitaanka laga hadlayaa waa soo degitaan naxariiseed iyo dhimrin iyo duco ajiibid iyo cudurdaar aqbal, ee ma aha soo degitaan guurguurid maxaa yeelay kaasi Alle waa ka mustaxiil, sidaa aawadeed waa soo degitaan macnawi ah…. Waxa kale oo bannaan in la yidhaahdo waa soo degitaan xisi ah, waxaana soo degaya malag ku socda amarkiisa iyo reebiddiisa”. ⁷

Waxa kale oo jirta waddo culimada Salafka qeyb ka mid ahi ay raacaan, oo ah waddada loo yaqaanno Tafwiidka, taas oo ah in ereygaa meesha ku yimi sidiisa lagu maro iyada oo aan la macnaynaynnin, oo waxa loo ga jeedo Ilaahay loo daynayo; iyada oo macnihiisa sare ee maskaxda qofka Mushabbiha ah ku soo degdegaya ee soo degitaankan caadiga ah ee meel sare la ga soo degayo meel hoosana la imanayo Iaahay laga nasahayo.

Imaam Nawawi kitaabkiisa Sharxu Saxiixu Muslin isaga oo sharxaya xadiskan waxa uu yidhi: “Xadiiskani wax uu ka mid yahay xadiisyada sifaadka, waxaana ku jira laba mad’hab oo caan ah oo culimadu ay leeyihiin. Midka koowaad oo ah mad’habka badi salafka iyo qaar ka mid ah mutakallimiintu waxa weeye in la rumeeyo in uu xaq ugu yahay sida Ilaahay u cunnamaysa, iyo in daahirka sare ee la is la yaqaanno aan loo ga jeedin, sidoo kale aan laga hadlin ta’wiilintiisa iyada oo la rumaysan yahay in Alle uu ka hufan yahay tilmaamaha uunka ee guurguurka, dhaqdhaqaaqa iyo dhammaan astaamaha kale ee uunka ah. Mad’habka labaad oo ah mad’habta badi Mutakallimiinta iyo qeybo ka mid ah Salafka, ahna mid la ga soo weriyay Maalig iyo Awsaaci isna wax weeye in la gu ta’wiiliyo macno Ilaahay u cunnama, iyada oo la eegayo meelaha uu ku ka la yimi, sidaas darteed ayaa xadiiskan ay u gu ta’wiiliyeen macnihiisu in uu yahay naxariistiisa, amarkiisa iyo malaa’igtiisa ayaa soo dega, ama in uu yahayba sarbeeb oo macnihiisu markaa yahay aqbalidda dadka ducaysanaya.” ⁸

Tixraacyo

1. Al-Asmaa was-Sifaad, Bayhaqi (429)

2. Sharaxa Surqaani uu saaray Muwadda’a (J2/34)

3. Al-Irshaad, Imaamul-Xaramayn al-Juwayni (150- 151)

4. Fatxul-Baarii fii Sharxi Saxiixil-Bukhaari, Ibnul-Xajar al-Casqalaani (J3/36)

5. Tixraaca hore

6. Caaridatul-Axwadi fii Sharxi Tirmidi, Abibakar Ibnul-Carabi (J2/235)

7. Sharxu Saxiixil-Bukhaari, Shihaab ad-Diin al-Qasdalaani (J2/323)

8. Sharxu Saxiixi-Muslim, Yaxyaa ibnu sharaf an-Nawawi (J6/37)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top