Sannad walba xilligan oo kale waxa caalamka Islaamiga ah ka dhasha doodo kala duwan oo la xidhiidha xukunka xuska dhalashada Nebiga (NNKH), dadkuna waxa ay u qaybsamaan qolo oggol oo weynayn nebi iyo khayr iyo wanaag u aragta iyo qolo diiddan oo bidco xun iyo xaaraan iyo dembi lagu ciqaab mudanayo u aragta, aalaaba se badi umadda Islaamka ahi mawliidka Nebiga waa ay u dabbaaldegtaa guud ahaan caalamka imika iyo casriyadii horeba.
Sagaal qarni haddii aynnu taariikhda dib ugu noqonno, qarnigii lixaad ee Hijriga, waxa ay ahayd markii u horreysay ee mawliidka hadda la yaqaanno la dhigo ee xaflado waaweyn inta la is kugu yimaaddo carruur iyo cirroole iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka soo qaybgasho, ka dibna nebi-ammaanno iyo qasiidooyin la qaado oo siiradii Rasuulka laga sheekeeyo, xoolo badan inta la gowracana saboolka iyo dadka baahan laga dhergiyo oo laga farxiyo. Waxaana bilaabay xuska qaabkan ah boqorkii weynaa ee caalimka ahaa ee Mudafar Kuukubuuri oo ku caan ah” Boqorkii Irbil”, sida imaam Suyuudi uu kitaabkiisa Xusnul-Maqsid fii Camilil-Mawlid ku sheegay. ¹ Waxaana jira dadka qaar sheegta in bidcoolayaashii Faadimiyiintu ay mawliidka bilaabeen qarnigii saddexaad ee Hijriga, balse waa sheegasho aan caddaymo lahayn taariikh ahaanna aan sugnayn, xitaa haddii aynnu ka soo qaadno in ay bilaabeenna aan waxba ka beddelayn xukunka mawliidka iyo bannaanaanshihiisa, haddii kalena dhibcaynta Qur’aanka ayaa iyana xaaraan noqon lahayd waayo waxaa bilaabay faasiqii weynaa ee Xajaaj ibnu Yuusuf as-Saqafi, ruux sidaas yidhina ma jiro, waayo wax wal oo nin xumi uu bilaabaa ka ma dhigna in uu xaaraan yahay, sida la is ka wada og yahay.
Boqorka Irbil waxa uu dhashay qarnigii lixaad ee Hijriga, 549kii. Imaam Shamsudiin ad-Dahabi oo ka taariikhaynayaana waa kii lahaa: “Waxa uu ahaa mid isduldhig iyo khayr badan oo sunni ah, waxa uuna jeclahaa fiqhiyahannada iyo xadiisyahannada. Weligii la ma soo werin in dagaal uu ku jabay, waddankiisana waxa uu u diidi jiray in xummaantu ay soo dhex gasho. Suufiyadu waxa uu u dhisay meelo Ilaahay ay ku caabbudaan, dadka Maka la jaarka ahna waxa uu u diri jiray shan kun oo diinaar. Dabbaaldeggiisii uu Mawliidka Nebiga u samayn jirayna isagu waa mid ereyo aan lagu koobi karin, dadkuna waxa ay uga iman jireen Ciraaq iyo Jasiiradda Carabta…Geel iyo adhi iyo lo’ aad u farabadan buu bixin jiray, markaas baa la gowrici jiray oo haddana la karin jiray.” ² Sidoo kale imaam Ibnu-Kathiir oo ku ammaanaya xuskiisii dhalashasa Nebiga (NNKH) waxa uu kitaabkiisa al-Bidaaya wan Nihaayah ku yidhi: “Boqor Mudafar waxa uu mid ka mid ahaa deeqsiyahannadii, mudanayaashii waaweynaa iyo boqorradii sharafta lahaa, waxa uuna lahaa taariikh wanaagsan oo cuddoon. Waxa uu ahaa geesi, hanad, garaadbadane, caalim iyo boqor caaddil ah, waxa uuna dhigi jiray xuska dhalashada Nebiga ee Suubban bisha Rabiicul-Awal, waxaana uu u xusi jiray si aad u heersarraysa”. ³
Sida ibnu-Khallikaan uu soo guurinayana, boqor Irbil bisha Rabiicul-Awal laba jeer ayaa uu mawliidka dhigi jiray: siddeedda bisha iyo laba iyo tobankeeda. ⁴ Waayo 12ka bisha in Rasuulku (NNKH) uu dhashayna waa ay soo aroortay waana sida caanka ah, siddeedda bishuna waa ay soo aroortay rag farabadan baana laga soo guuriyay. Khilaafkanina waxba kaga ma duwana is la khilaafka ku soo arooray xilligii Rasuulku (NNKH) uu geeryooday, oo culimada qaar waxa ay yidhaahdeen kowdii bisha Rabiicul-Awal ayaa uu geeryooday ( sida Layth, Muusaa ibnu Cuqbah iyo Khawaarismi ay ku tageen, Abul-Qaasim as-Suhaylina uu xoojiyay); ⁵ halka culimada badankooduna ay qabaan in uu 12kii bisha geeryooday. Balse maaddaama Islaamku uu muhiimadda saaro maalmaha farxadda iyo nayaayirada iyo guulaha waaweyn ay dhacaan, taasina ay tahay sababta uu u jideeyay in ruuxu marka uu dhasho loo wanqalo balse marka uu geeryoodo aanu u jidaynnin in wanqal loo sameeyo, ayaa bulshada muslimiimtuna ay u xusaan dhalashada Nebiga (NNKH) oo labada aanay u xusin geeridiisa.
Waqtigan boqorku uu bilaabay mawliidka waxaa soo dhoweeyay dhammaanba culimadii Islaamka ee xilligaas noolayd, la mana diiwaangelin hal caalim oo diiday xilligaas ama ka biyodiiday. Imaamkii iyo xaafidkii weynaa ee Ibnu-Dixya oo xilligaas noolaana waxa uu mas’aladan mawliidka ka qoray kitaab gaar ah oo uu ku ammaanayo muslimiintana uu ku dhiirrigelinayo, waxa uuna u bixiyay “التنوير في مولد السراج المنير”. Imaam Abuu-Shaama oo sheekhii Imaam Nawawi ahaana waa kii yidhi: “Waxyaabaha ugu wanwanaagsan ee xilligan la soo kordhiyay waxaa kaa mid ah waxa lagu sameeyo magaalada Irbil sannad walba maalinta waafaqsan maalintii Rasuulku dhashay ee ah sadaqadooyinka la bixiyo iyo wanaagga, iyo muujinta quruxda iyo nayaayirada. U samafalka dadka saboolka ah marka laga tagana waxaa u dheer in uu tusinayo jacaylka Rasuulka (NNKH) loo qabo iyo sida uu ugu weyn yahay qalbiga ruuxa samaynaya”. ⁶
Xaafidkii kale ee weynaa ee Ibnu-Xajar al-Casqalaani mar la weyddiiyay mawliidkana waxa uu yidhi: “Asal ahaan mawliidku waa bidco aan salafkii saddexdii qarni noolaa laga soo guurin, balse waxa uu koobsaday wanaag iyo wax ka soo horjeeda, markaasna ruuxu haddii uu camallada wanaagsan ku ku dedaalo waxa kalena uu ka fogaada bidco wanaagsan baa ay noqonaysaa, haddii kale se maya…..Dhab ahaanna waxaa ii caddaatay in asal sugan uu ku fadhiyo”. ⁷ Imaamkii weynaa ee Shihaabu-diin al-Qasdalaanina waxa uu yidhi: “Bulshada Islaamku ka ma ay suulin in ay u dabbaaldegayaan dhalasha Nebiga (NNKH) iyo in ay casuumado samaynayaan, habeenkaasna sadaqada noocyadeeda kala duwan ay la baxayaan, oo farxad iyo badhaadhe ay muujinayaan khayraadka samayntoodana ay kordhinayaan, mawliidka Nebiga sharafta lehna ay akhrinayaan barakooyinkiisana fadli aad u weyn ay ka arkayaan. Waxyaabaha la tijaabiyay ee mawliidka ku gaarka ahna waxaa ka mid ah in sannadkaas uu amni yahay iyo bishaaro degdeg ah oo yididdiilooyinka lagu gaadho. Ilaahayna naxariistiisa ha siiyo ruux wal oo bishaas Rasuulku uu dhashay iid ka yeesha.” ⁸ Imaam Surqaanina waxa uu yidhi: “Asalka dhigista mawliidku waa bidco, laakiin khayr iyo lidkiina wuu koobsaday, markaasna ruuxu haddii uu ku dedaalo khayrka lidkiisana uu ka fogaado bidco wanaagsan bay noqonaysaa”. ⁹
Intaas waxa dheer culimada kutub gaarkooda ah ka qortay mawliidka bannaanaanshihihiisa iyo ammaanistiisa, oo waxaa ka mid ah imaamkii weynaa ee Ibnu-Dixyah oo aynnu mar dhowayd kitaabkiisa soo sheegnay, raggii ugu horreeyay ee wax ka qorayna ka mid ahaa maaddaama uu noolaa xilligii la bilaabay. Waxaa ka mid ah xaafidkii iyo qaarigii culimada Tajwiidka kuwoodii ugu waaweynaa ka mid ahaa ee Shamsudiin Muxammed ibnu Muxammed Al-Jasari oo ka qoray kitaab uu ku magacaabay “عرف التعريف با المولد الشريف”, iyo sheekhii iyo xaafidkii weynaa ee Daybici, iyo imaamkii iyo xaafidkii weynaa ee kale ee Ciraaqi oo ka qoray kitaab uu ku magacaabay “مورد الهني في مولد السني”. Xadiisyahankii iyo taariikhyahankii xaafidka ahaa ee Shamsudiin ibnu Naasiru-diin ad-Dimishqi ayaa isna ka mid ah ragga mawliidka wax ka qoray, oo isagu saddex kitaab oo uu ugu caansan yahay kitaabkiisa qiimaha badan ee “مورد الصادي في مولد الهادي” ayaa uu ka qoray. Waxaa ka mid ah fiqiyaankii iyo xadiisyahankii kitaabka Tuxfaha ee sharaxa Minhaajka is ka lahaa ee Ibnu-Xajar al-Haytami, iyo xaafid Sakhaawi iyo culimo kale oo aan la soo koobi karin. Waxaana sidoo kale aan la illoobi karin fiqiyaqaankii, xadiisyahankii, usuuligii iyo imaamki weynaa ee Jalaaludiin as-Suyuudi oo ka qoray mas’aladan kitaabka qiimaha badan ee ” حسن المقصد في عمل المولد”, kaas oo uu ku raddiyay dhammaan shubahooyinkii lagu soo aroorin kari lahaa dhidibbadana uu ugu taagay, si aad u heersarraysana uu ugu difaacay, Ilaahay ha ka abaaliyee.
Sidaas baa xaaladdu ay ahayd, sidaas baana culimada Islaamka oo dhami ay xuska dhalashada Nebiga u wada ammaani jireen una soo dhoweeyeen, xitaa Sheekh Ibnu-Taymiya oo culimadii qarnigii siddeedaad ka mid ahaa baa sheegay in xuskaas fadli weyn laga helayo, waana kan isaga oo kitaabkiisa “إقتضاء الصراط المستقيم” ku leh: “Weynaynta dhalashada Nebiga iyo in sannadkiiba mar la is kugu yimaaddo dadka qaar in ay sameeyaan baa laga yaabaa, waxaana ugu sugan ajar aad u weyn ujeeddadooda oo wanaagsan aawadeed.” ¹⁰
Boqol sano markii ay ka soo wareegeen xilligaas ayaa la arkay sheekhii u horreeyay ee mawliidka diida, waxaanu ahaa Sheekh Taajudiin al-Faakihaani oo culimadii Maalikiyada ka mid ahaa, dhashayna 654kii Hijriga halka boqorkii mawliidka bilaabay uu dhashay 549kii Hijriga, taas oo ka dhigan in qarni dhan umadda Islaamka culimadeeda iyo bulshaweynteeduba ay u dabbaaldegayeen mawliidka cid ka hortimidna aan la arkin, Rasuulkuna (NNKH) waa kii lahaa: “Ilaahay umaddayda wuu ka badbaadiyay in ay baadi is ku raacdo”. ¹¹ Dhab ahaanna intaas oo keli ah baaba ku filan ruux wal oo iimaan leh si uu ugu qanco mawliidka bannaanaanshiyihiisa, waayo suurtogal ma aha in umadda Islaamku ay casri casriyada ka mid ah baadi is ku wada raacdo iyo shay xaaraan ah sida xadiiskan laga qaadanayo, mawliidkana qarni dham baa loo wada dabbaaldegayay hal ruux oo diidayna aan la arkin, sidaas aawadeed suurtogal ah ma aha in uu xaaraan noqdo. Saxaabigii weynaa ee Cabdillaahi ibnu Mascuudna waxa laga soo weriyay in uu yidhi: “Waxa muslimiuntu ay wanaag u arkaan Ilaahay agtiisana waa wanaag, waxa muslimiintu ay foolxumo u arkaanna Ilaahay agtiisa waa ku foolxun”, ¹² umadda Islaamka oo dhamina ugu yaraan qarni dhan baa ay mawliidka wax wanaagsan u arkayeen, sidaas aawadeedna Ilaahay agtii waa mid wanaag ka ah.
Mar kale Rasuulka (NNKH) waxa laga soo weriyay in uu yidhi: “Ruuxa Islaamka dhexdiisa wax wanaagsan ku dhex jideeyaa ajarkiisa ayuu leeyahay iyo ajarka cidda samaysa isaga dabadii, tiiyoo aan ajarradooda waxba laga dhimaynnin; ruuxa Islaamka dhexdiisa wax xun ku dhex jideeyaana dembigiisa ayuu leeyahay iyo dembiga cidda dabadii samaysa, tiiyoo aan dembiyadooda waxba laga dhimaynnin”. ¹³ Maalinta xuska dhalasada Nebigana (NNKH) inta la isu yimaaddo baa masaakiinta la quudiyaa, oo Qur’aanka kariimka ah baa la akhriyaa, oo Nebiga ayaa la ammaanaa, oo siiradiisa baa laga sheekeeyaa; shaki la’aanna waxyaabahaas oo dhami waa kuwo wanagsan ooo diinta dhexdeeda asal ku leh, sidaas aawadeed mawliidku waa sunne wanaagsan oo ciddii jidaysay iyo ciddii dabadii samaysayba uu Ilaahay ka abaalinayo.
Rasuulka (NNKH) markii la weyddiiyay sababta uu u soomo maalinta Isniinta waa kii yidhi “waa maalintaan dhashay, ee la i soo saaray”. ¹⁴ Haddaba haddii Rasuulku maalintii uu toddobaadka ka dhashay uu ku weyneeyay cibaadooyinka kuwii ugu waawenaa oo soonka ah, de maalintii uu sanadka ka dhashay in cibaadooyinka kale lagu weynayn karaana waaba ay ka sii mudan tahay oo waa “من باب أولى”, kanna waxaa la yidhaahdaa “Qiyaas” oo adillooyinka shay bannaanshiyihiisa loo cuskado kooda saddexaad weeye.
Marka aynnu u soo noqonno Taajudiin al-Faakihaani, waxaa xusid mudan in Faakihaani uu ku barakaysan jiray qabriga sheekhii weynaa ee Abul-Cabbaas Ash-Shaadir Ad-Damanhuuri, sida xaafid Ibnu-Xajar al-Casqalaani uu kitaabkiisa Ad-Durar al-Kaaminah ku sheegay markii uu ka taariikhaynayay Faakihaani. ¹⁵ Wadaadda Wahaabiyaduna waxa ay qabaan in ka barakaysiga qubuurtu ay shirki tahay, ama marka ay ugu yar tahay xaaraan maqdac ah oo lagu faasiqoobayo ay tahay, haddaba sidee baa ay Faakihaani u soo daliishan karaan? Marka waxa ay jecel yihiin uu raacana ma imaam culimada Islaamka oo dhan mas’alo ay oggolaayeen lagu xaaraantinimeeyaa, marka qubuurta uu ka barakaysanayana ma mushrig waddadii shirkiga umadda ugu yeedhayaa? Bal waddo loogu soo hagaago ha noo la yimaaddeen, haddii kalena umadda ciyaarta ha ka daayeen!
Waxa kale oo isla waqtigaas Faakihaani mas’alada mawliika ka hadlay sheekh la odhan jiray Ibnu-Xaaj al-Faasi oo geeryoday 737kii Hirjriga, hadalladiisuna waa kuwo is wada burinaya oo is ka wada hor imanaya, oo marna mawliidka waa uu ammaanayaa marna waa uu diidayaa, sida ay u muuqatana waxyaabaha dadka qaar ay sameeyaan buu ku kala qiimaynayay taas baana keentay in hadallo is ka hor imanaya uu yidhaahdo. .
Intaas ka dib, haddana qarniyo kale ayaan dib loo arag cid mawliidka dafirta ama ka hor timaadda, dunida Islaamkana looga wada dabbaaldegay dhalashada Suubbanaha (NNKH) carruur iyo cirroolaba, ilaa ay soo baxday kooxda Wahaabiyada ee sheekha uu u ahaa Muxammed ibnu Cabdiwahaab qarnigii 13aad ee Hijriga. Waxaana ay bilaabeen in umadda Islaamka ah ay ku qabsadaan una diidaan xuska dhalashada Rasuulkooda suubban (NNKH), iyada oo xujada keli ah ee ay sheeganayeen tahay “Rasuulku ma samaynnin” iyo “waa bidco”, hadalkaasina dhab ahaan sida aad wada arki doontaan waa mid aan cilmi iyo aqoon toona ku dhisnayn oo qof sheekh ah oo naftiisa ixtiraamayaana aanu la soo shirtegi karin, maxaa yeelay barbilowga kutubta Usuulu-fiqhigaba waxaa la gu bartaa qaacidada la is ku wada waafaqsan yahay ee ah “Ka tegistu xaaraantinimayn ma faa’idayso; الترك لا يفيد التحريم”.
Shayga in aanu Rasuulku samaynnin sinnaba uga ma dhigi karto in uu xaaraan yahay. Cid culimada muslimiinta ka mid ah oo taa qabtaana la ma soo heli karo oo ma jirto. Maxaa yeelay haddii warkaa la qaato waxaa ka dhalanaysa in ururintii xadiiska iyo tii Qur’aanka, shaqliddii (xarakayntii) Qur’aanka kariimka ah, salaadda Tahajudka ee tobanka dambe ee Ramadaan oo keli ah la is ku xidho, qorista kutubta ka la duwan ee Caqiidada, Fiqhiga, Tafsiirka , Usuulka iyo Musdalaxa iuo culuumta kale isugu jira, iyo waxyaabo kale oo badan oo khayr iyo wanaag ahaaba ay xaaraan noqdaan, maxaa yeelay Rasuulku ma samaynnin mana ogayn; taasina suurtagal ma aha.
Odhaahdan kale ee “waa bidco” iyaduna waa la mid, oo hadal cilmi iyo aqoon diineed ku dhisan ma aha ee waa mid lagu harawsado dadka caamada ah ; maxaa yeelay bidcadu ilaa shan qaybood baa ay u qaybsantaa culimada muslimiinta agtooda; mid xaaraan ah (sida in salaadda Duhur shan rakcadood laga dhigo), mid waajib ah ( sida ururintii Qur’aanka iyo nidaamintii funuunta), mid aan waajib iyo xaaraan ahayn se wanaagsan (sida eedaanka koowaad ee Jimcaha oo Cusmaan bin Cafaan uu soo kordhiyay, Mawliidka iyo Tahajudka jamaacada ah ee tobanka dambe ee Ramadaan la is ku xidho), mid karaahiyo ah (sida qurxinta masaajidda) iyo mid is ka bannaan. Hadalkanina ma aha mid anigu aan leeyahay ee waxaa Sharaxiisa Saxiixu-Muslinka ku sheegay Imaam Nawawi ¹⁶, sidoo kale Imaam Cisi ibnu Cabdisalaam baa ku sheegay kitaabkiisa Alqawaacidul Kubraa ¹⁷, culimo kale oo badanna waa ay ku weheliyaan.
Culimada qaarna iyaga oo is ka soo koobsanaya wax ay bidcada u qaybiyaan laba qaybood; bidco wanaagsan iyo mid xun, oo waa kii Imaam Shaafici uu Bayhaqi zanad saxiix ah kaga soo weriyay in uu yidhi : “Arrimaha bidcada ahi waa laba: kuwa la soo deriyay ee khilaafaya kitaabka ama sunnaha ama hadalka saxaabada ama ijmaaca, waana taas bidcada baadida ahi; halka ta labaad ay tahay wax la soo kordhiyay oo khayr ah, kaasna khilaaf culimada u ma dhexeeyo [in ay bannaan tahay], ka mana mid aha bidcooyinka laga dayriyay, Cumarna [ waa Cumar ibnu Khaddaabe] isaga oo ka hadlaya oogista bisha Ramadaan [Taraawiixda] waa kii yidhi: Alleylehe bidcadan baa nimco lahaatay. Macnihii waa mid la soo kordhiyay oo aan jiri jirin.” ¹⁸
Mar haddii ay sidaas tahay, bidcada waxaa loo bandhigayaa Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nebiga (NNKH), oo haddii ay ka hortimaaddana waa bidco xun oo baadi ah, haddii ay waafaqdana waa bidco fiican oo qofka sameeya lagu abaalinayo, balse bidco oo dhami hal miisaan ma wada saarna mana wada saarmi karto, sidaas aawadeed in aadyar la is ka dhaho “mawliidku waa bidco” iyada oo looga jeedo waa xaaraan waa jaahilnimo iyo cilmi-yari. Ilaahayna qoomkii Nebi Ciise markii uu ka hadlayay waa kii sheegay in ay bilowdeen suufinnimada, iyaga oo keliya ku doonaya raalli-ahaanshaha Alle uun, ka dibna Ilaahay waa ka ku canaantay in aanay sideedii u ilaalinnin oo ay dayaceen, ee yidhi: وَرَهْبَانِيَّةً ابْتَدَعُوهَا مَا كَتَبْنَاهَا عَلَيْهِمْ إِلَّا ابْتِغَاءَ رِضْوَانِ اللَّهِ فَمَا رَعَوْهَا حَقَّ رِعَايَتِهَا; suufinnimo ayay bilowdeen oo aannaan ku waajib yeelin, [u mana aanay bilaaban] ilaa doonista raalli-ahaanshaha Ilaahay mooyee, mana aanay ilaalin ilaalinteedii dhabta ahayd”. ¹⁹ Halkaasna waxa laga qaadanayaa, in bidcada wanaagsan ee aad billowdo ay tahay in aad ilaaliso oo aanad ka tegin, haddii kalena lagaba yaabo in Ilaahay canaantiisaba aad ku kasbato.
Haddaba waxaa jira xadiis walaalaha Wahaabiyadu ay qaladfahmeen, waana ka Rasuulku uu ku yidhi: “وكل بدعة ضلالة ; bidco kastaa waa mid lunsan”, ²⁰ kaas oo culimadii muslimiintu dhammaantood ay sheegeen in hadal guud oo wax gaar ah looga jeedo( عام مخصوص) uu yahay, sidaas aawadeedna uu macnuhu noqonayo “bidco kasta oo xun waa mid lunsan” ama “badanka bidcooyinku waa qaar xun”, sida Imaam Nawawi uu ku sheegay Sharaxiisa Saxiixu-Muslinka. ²¹ Ereyga “كل” haddii la sheegana mar walba sidaas uu yahay caam u ma aha, oo waxyaabo gaar yeela ayaa jira sida cilmiga Usuulul-fiqhiga lagu barto. Tusaale ahaan Ilaahay dabayshii Reer Caad halaagtay isaga oo ka warramaya waxa uu yidhi ” تدمر كل شيء– shay kastaba waa ay burburinaysaa” ²²; ee haddaba ma waxaa looga jeedaa in dhulka iyo kawnka iyo wax kastaba ay burburinayso ama burburisay? Dabcan maya, ee waxaa looga jeedaa shay kasta oo wixii loo diray ka mid ah ayaa ay burburisay. Ereygan “كل” ee xadiiskan ku soo aroorayna waa la mid uun, oo waxaa looga jeedaa bidco kasta oo xun ayaa ah baadi, markaasna waa hadal guud oo wax gaar ah looga jeedo.
Imaamkii weynaa ee Sacdu-diin at-Taftasaanina waxa uu yidhi: “Jaahilnimada waxaa ka mid ah qofka ka yeelaya wax kasta oo aan xilligii saxaabada jirin bidco xun, hadduu doono yaanu jirinba daliil sheegaya in uu xun yahay e, isaga oo ku dheggan hadalka Rasuulka ee “وإياكم ومحدثات الأمور”, mana oga ruuxaasi in ujeedku uu yahay qofka ku soo dara wax aan ka mid ahayn.” ²³
Sidoo kale xadiiskan kale ee ah “qofka arrinkayaga kan ah [diinta] ku soo kordhiya wax aan ka mid ahayn waa lagu celinayaa” ²⁴ ayaa isna ka mid ah xadiisyada ku dabarogmay ee ay si xun oo aanay waxbka ka jirin ay u macnaysteen, maxaa yeelay Rasuulku wax uu yidhi ” ruuxa ku soo dara wax aan ka mid ahayn”, halkaasna waxaa laga qaadanayaa qofka ku soo kordhiya wax ka mid ah diinta oo aan ka hor imanayn in aan lagu celinaynnin ee la ga qaadanayo. Haddaba mawliidka Qur’aanka ayaa la akhriyaa, oo masaakiinta ayaa la quudiyaa, oo Nebiga ayaa la ammaanaa oo siiradiisa ayaa laga sheekeeye intaasiba miyaanay diinta ka mid ahayn? Allaylehe waa ay ka mid tahay.
Tixraacyo
1. Jalaaludiin as-Suyuudi (Xusnul Maqsid Fii Camalil Mawlid, b. 7)
2. Shamsudiin ad-Dahabi (Siyaru Aclaam an-Nubalaa, J. 22,.b. 334)
3. Abul-Fidaa ibnu Kathiir (Al-Bidaaya wan Nihaayah, J. 13, b. 136)
4. Abul-Cabbaas ibnu Khallikaan (Wafayaatul Acyaan, J. 4, b. 113 – 121)
5. Ibnu-Xajar al-Casqalaani (Fatxul Baarii fii Sharxi Saxiixil-Bukhaari, J. 7, b. 736)
6. Shihaabu-diin Abii-Muxammed Cabduraxmaan ibnu Ismaaciil (Al-Baacith calaa Inkaaril-Bidaci wal Xawaadith, b. 21)
7. Jalaaludiin as-Suyuudi (Xusnul-Maqsid Fii Camalil Mawlid, b. 18)
8. Shihaabu-diin al-Qasdalaani (Al-Mawaahib al-Laduniyah, J. 1, b. 89)
9. Muxammed ibnu Cabdilbaaqii As-Surqaanii (Sharxul Mawaahib al-Laduniyah, J. 1, b. 263)
10. Ibnu-Taymiya al-Xarraani (Iqtidaa’u Siraadil Mustaqiim, b. 297)
11. Waxaa soo saaray Ibnu-Maajah (3950), Tirmidi (2167), Xaakim (397) iyo Abuu-Nucaym (Xilyatul-Awliyaa, J. 3/37) iyada oo uu jiro kala duwanaanshiyo yar, saddexdan dambena Ibnu-Cumar bay ka warinayaan halka Ibnu-Maajah uu Anas ka soo weriyay.
12. Waxaa soo saaray Axmed (Musnadu Axmed, J. 1, b. 493)
13. Waxaa soo saaray Muslim (1017)
14. Waxaa soo saaray Muslim (1162)
15. Ibnu-Xajar al-Casqalaani (Ad-Durar al-Kaaminah, J. 3, b. 178)
16. Yaxyaa ibnu Sharaf an-Nawawi (Sharxu Saxiixi Muslin, J. 6, b.155)
17. Al-Cis ibnu Cabdisalaam (Al-Qawaacidul Kubraa, J. 2, b.174)
18. Abuu-Bakar ibnul Bayhaqi (Manaaqib ash-Shaafici, J. 1, b. 469)
19. Suuradda al-Xadiid: 27
20. Waxaa soo saaray Muslim (867)
21. Yaxyaa ibnu Sharaf an-Nawawi (Sharxu Saxiixi Muslim, J. 6, b. 155)
22. Axqaaf: 25
23. Sacdudiin at-Taftaasaani (Sharxul-Maqaasid, J. 2, b. 232)
24. Waxaa soo saaray Bukhaari (2697) iyo Muslim (1718)
Ilaahay swt haku barakeeyo ustaad, runtii si fiican baan uga bogtay, waana ku raaxaystay qoraalkaan qiimaha badan.
Intaas baa ku filan qof kasta oo shaki ka qabay ama si uun u diidanaa banaanaanshaha mowliidka suubanaha naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.