Indiriikoseeriyam

Indiriikoseeriyam (Indricotherium; إندريكوتيريوم) waaa mid ka mid ah noolayaashii abid ugu waaweynaa ee dunida soo maray, naasleyda berri-ku-noosha ahna inta la og yahay waa midka ugu weyn. Waxa uu noolaa casrigii Oologosiinka dhexdiisa (33.9 – 23 milyan oo sano ka hor), billowgii Casrigii Mayoosiinka ayuuna dabargo’ay ( 23 milyan oo sano ka hor), la mana hayo xogo dhammaystiran oo ku saabsan wixii ka dambeeyay dabargo’iisa, waxa se loo badinayaa barafowgii weynaa ee xilligaa dhacay kaas oo sababay nabaadguur baahsan oo hoos u dhigay ilihiisii cunto maaddaama uu daaqcun ahaa, iyo sababo kale . Dherer ahaan waxa uu gaadhayay 7 – 8 m, miisaankiisuna waxa uu u dhexeeyay 15, 000 ilaa 20, 000 oo kg, waxa uuna lahaa qoor dheer oo lagu qiyaaso 2 ilaa 2.5 m, taas oo u saamaxaysay in geedaha aadka u dhaadheer uu daaqo. Waxa uu ku noolaa meelo badan oo Eeshiya ka mid ah, sida Kaasaakhistaan, Shiinaha, Baakistaan, Hindiya, Mangooliya, Joorjiya iyo Turkiga, qalfoofkiisii u horreeyayna waxa 1911 laga helay Baakistaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top