Buurta Shaarab ee Maaris

Buurta Shaarab

Goobtani waa buurta Shaarab (Sharp mountain) sidoo kale loo yaqaan Aeolis Mons oo dhacda badhtamaha booraanta Gayl (Gale Crater; فوهة غيل ) ee sannadkii 2012 uu ku degay markabcireedkii Curiosity rover, aalaabana booraamaha noocan oo kale ahi waxa ay ka samaysmaan dhagaxcireedyada ku soo dhaca oogada meeraha, sida booraantii Chirxulub Crater ee ka samaysantay dhagaxcireedkii dhulka ku habsaday 66 milyan oo sano ka hor ee aynnu kaga hadlnay qormo hore, taas oo dhacda dalka Meksiko, waxaana booraantan Gayl ee meeraha Maaris dhexroorkeedu le’eg yahay 154 km.

Shaarab waa buur weyn oo dhererkeedu gaadhayo shan kiiloomitir, ballac ahaanna lagu qiyaaso in ay gaadho 150 km. Waxaa goobaha Curisosity uu soo gudbiyay in buurtan laga helayo qaybo ka mid macdannada dhooqada (Clay minerals; معادن الطين ) sida Kaolinite iyo Smectite-ka, kuwaas oo badanka ku samaysma goobo biyo leh. Waxaana taasi ay xoojinaysaa in sooyaalladii hore goobtani ay biyo dareere ah lahayd, taas oo iyana dhinaceeda saadaalinaysa in nololi ay ka jirtay. Sidoo kale waxa ay buurtani leedahay webiyo iyo biyomareenno qallalan, oo iyana tusaya in beryihii hore biyo ka jiree, astaamo kale oo muujinaya taasina waa ay jiraan.

Sawirku waa bishii Maarij 22, 2018.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top