Kuwani waa 18 odhaahood oo uu is ka leeyahay imaamkii, suufigii iyo Alleyaqaankii weynaa ee mawlaanaa Jalaalu-diin ad-Ruumi
1. Dhammaan waddooyinka loo maro Eebbe waxa aan ka dhex doortay cishqiga.
2. Biyaha hortood ku weysayso jacaylka; salaad lagu tukaday qalbi nacayb ku jiraa ma bannaano e.
3. Ku ma aan arkin [Eebboow], laakiin waa aan ku la kulmay; aragga indhuhu waa aragti, balse aragga qalbigu waa kulan.
4. Wax aan ka codsanayo isaga oo aan isaga ahayn ma jiro.
5. Waxa aan ku idhi ma dhimanayo ilaa aan ku garto, markaasuu ii gu jawaabay: qofkii i gartaa ma geeryoodo.
6. Waxa aan ku idhi: “Wax aan xiisaynayaa xidhiidhkaaga”, wax uuna ii gu jawaabay: “Lacagta xidhiidhkaygu keliya waa ruuxdaada”, ka dibna haatufka qalbigayga ayaa dhawaaqay isaga oo leh: “Allaylehe haddaa iibkaasi waa guulaystay”!
7. Haddii aad i la joogto habeen oo dhan waan soo jeedaa, haddii aan ku waayana hurdo ii ma timaaddo.
8. Waan waayay dhammaan dareemayaashayda, ka dib markii aan galay golihii xabiibkayga.
9. Jacayl la’aantii muusig kastaa waa qaylo, ciyaar kastaa waa waali, cibaado kastaana waa culays.
10. Aniga ra’yigayga; ma jiro caalamkan wax ka qaalisan qosol dhab ah oo ilmo yari uu qoslay.
11. Qofka faynuuskiisa ku wata laabta, waxba ka ma gelin mugdiga uunka.
12. Waxa ay garaacayaan durbaannada dagaalka, annaguna ma garaacaynno wax aan ahayn durbaannada jacaylka.
13. Waxa aan kaa dhex helay qalbigayga, ilaa xilligaana waa i kaa oo wax aan ku wareegayaa qalbigayga.
14. Wax-ma-garatadu waa kuwo ka adag dumarka, maxaa yeelay waa dad qal-qallafsan oo ay ku yar tahay dhimrinta, debacsanaanta iyo jacaylku; taana waxaa sabab u ah in xayawaannimaddu ay ku badatay heer ay doorisay asalkoodii bani’aadannimo.
15. Gabadhu waa nuur ka mid ah nuurarka Eebbe.
16. Xabiibkii ayaa caashiqiisii weyddiiyay: naftaada ma wax aad jeceshahay in ka badan inta aniga aad i jeceshahay? Dabadeed wax uu ugu jawaabay: naftaydii mar hore ayaa ay geeriyootay, adiga ayaynna ku gu dhex nooshahay!
17. Shalay fariidbaan ahaa oo waxa aan rabay in aan wax ka beddelo caalamka, maanta se waayo-arag baan ahay oo wax aan wax ka beddelayaa naftayda.
18. Dhammaan sax iyo qaladkan dibaddooda waxaa ka jira bannaan aanu laga helaynnin wax aan jacayl ahayn; aynnu ku kulanno halkaas.