
Toddobaataneeyadii qarnigii 18aad, cirbixiyeenkii weynaa ee Jarmalka ahaa ee Johaan Bowdh ( Johann Elert Bode) waxa uu daaha ka qaaday qaanuun xisaabeed oo cajiib ah, kaas oo si yar oo fudud oo quruxbadan u soo saaraya masaafada meerayaasha ururka cadceeddu (solar system ; المجموعة الشمسية) ay u jiraan qorraxda, una sheegaya in farshaxan iyo qaanuun ay ku fadhiyaan, isaga oo ka dhimbiil qaadanaya sida ay is kugu xigxigaan: Dusaa (Mercury ; عطارد ), Waxaraxidh (Venus ; الزهرة) , Dhulka (Earth ; الأرض ), Farraare (Mars ; المريخ ), Cirjiidh (Jupiter ; المشتري), Raage (Saturn ; زحل ), Uraano (Uranus; يورانس) iyo Nibtuun (Neptune; نيبتون).

Qaanuunku waxa uu leeyahay: soo qabso tirada 0, ka dibna ku xigsii 3, ka dibna ku sii xigsii laballaabkeeda oo 6 ah, ka dibna lix laballaabkeeda oo 12 ah, ka dibna 12 laballaabkeeda oo 24 ah, ka dibna sidaas u sii wad (0, 3, 6, 12, 24, 48, 96, ..). Mid kastana u gee 4, una qaybi 10, kuna dhufo cabbir-falageedka (astronomical unit; الوحدة الفلكية ) oo 150 milyan ah ( se xisaabtu si ay kuugu fududaato 150 ku dhufo ka dibna milyanka xagga dambe uun ka raaci), waxaa kuu soo baxaysa meere kastaba masaafada uu cadceedda u jiro!

Aynnu ka bilownno Duse( Mercury; عطارد ), innaga oo ka billaabaynna tiradii u horraysay oo 0 ah. Eber marka afar loo geeyo waa afar, afarna marka toban loo qaybiyo waa 0.4, 0.4 marka cabbir-falageedka oo 150 aynnu ku dhufannana waa 60, waana masaafada Mercury uu cadceedda u jiro: 60 milyan oo km!

Aynnu ku xigsiinno Waxaraxidh (Venus; الزهرة ) innaga oo tiradii 0 ku xigtay oo 3 ah ka sii ambaqaadaynna xisaabta. Saddex marka afar loo geeyo waa toddobo, toddoba marka toban loo qaybiyana waa 0.7, 0.7 marka cabbir-falageedka oo 150 ah aynnu ku dhufannana waa 105, waana masaafada Venus uu cadceedda u jiro: 105 milyan oo km!

Aynnu ku sii xigsiinno meeraha saddexaad oo dhulkeenna ah ee buluugga ah, innaga oo xisaabta ka sii ambaqaadaynna laballaabkii 3 oo ah 6. Lix marka afar loo geeyo waa toban, toban marka toban loo qaybiyana waa hal, hal marka 150 aynnu ku dhufannana waa 150, waana masaafada dhulku uu u jiro cadceedda: 150 milyan oo kiiloomitir, waana cabbirfalageedka halka laga keenay. Sidaas uun sii wad.

Soo qabo meeraha afaraad ee cas ee Mars (المريخ ), kana sii ambaqaad xisaabta labajibbaarkii 6 oo 12 ah. 12 marka 4 loo geeyo waa 16, 16 marka 10 loo qaybiyana waa 1.6, 1.6 marka 150 lagu dhuftana waa 240, waana masaafada Venus uu u jiro qorraxda: 240 milyan oo kiiloomitir.
Haddaba halkaa marka hawshu ay marayso ee meeraha 5aad oo Jupiter (المشتري ) ah aynnu taagan nahay ayaa wax ay is beddelayaan, oo tirada soo baxaysaa waa 420, Jupiterna waxa uu innoo jiraa 778 milyan oo km. Ka dib waxaa Johann Bode uu yidhi meeshaa dhexe ee Mars iyo Jupiter u dhexaysa ayay wax ka khaldan yihiin, oo meere yar iyo waxbaa u dhexeeya labadooda oo ka maqan, muddo ka dibna dhab bay noqotay, oo waxaa la arkay meere-yarayaal (asteroids; كويكبات) aad u tirabadan oo Jupiter uu is ka leeyahay, kuwas oo u dhexeeya Jupiter iyo Mars, markii loo fiirsadayna uba muuqda in beri hore ay meere keli ah ay ahaayeen ka dibna burbur ku yimi aawadii ay la kala falliidhmeen.

Hadda qaanuunkii halkiisii ayuu ku soo noqday, oo halkii marka xisaabta aynnu ka sii qaadno oo 12 laballaabkeeda oo 24 ah aynnu u geynno 4 waa 28, 28 marka 10 loo qaybiyana waa 2.8, 2.8 marka 150 lagu dhuftana waa 420, waana masaafada meerayaashaa yaryar ee berigii hore halka meere ahaa ay cadceedda u jiraan :420 milyan oo km!

Intaa ka dib haddaba aynnu u imanno Jupiter, innaga oo xisaabta ka sii ambaqaadaynna laballaabkii 24 oo 48 ah. 48 marka 4 loo geeyo waa 52, 52 marka 10 loo qaybiyana waa 5.2, 5.2 marka 150 lagu dhuftana waa 780, waana masaafada Jupiter uu u jiro cadceedda: 780 milyan oo km!
Halkaas uun ka sii wad. Maanta ka dib in aad xifdido masaafada meerayaashu ay cadceedda u jiraan iyo in aad baadho toona u ma baahnid, ee qaanuunkan uun qabso oo ku la soo bax masaafada adoo raacaya waddadaas, waxa muhiim ah uun se in aad sida ay is kugu xigxigaan xifdidid si xisaabtu ay kuugu toosto.