Alle Weyne waxa uu Qur’aanka kariimka ah ilaa toddoba jeer ku xusay in samooyinka iyo dhulka uu ku abuuray lix maalmood, suuradda Fusiladna waxa uu si gaar ah ugu sheegay in abuurka dhulku uu ahaa laba maalmood; halka qaddaristiisa iyo diyaarintiisuna ay qaadatay laba maalmood oo kale, kuwaas oo marka labadii ka horreeyay loo geeyo is ku noqonaya afar maalmood, isaga oo Alle ku ladhay in maalmahaasi ay is le’ekaayeen (فِي أَرْبَعَةِ أَيَّامٍ سَوَاءً لِّلسَّائِلِينَ).
Waxa uuna sii raaciyay, in toddobada samana uu ku abuuray laba maalmood oo kale, laakiin abuurka samooyinka iyo ka dhulka waxaa horreeyay ka samooyinka sida suuradda an-Naasicaat ku cad, ereygan “ثم ” ee ku jira aayaddan “ثم استوى إلى السماء “-na ma aha maanta kii tartiibka waqtiyeed faa’idaynayay, ee waa kii tartiibka xusitaan laga qaadnayay; sida in aad tidhaahdo adiga oo qof u warramaya “وُلِد أبي في سنة 1970”, ka dibna aad ku xigsiiso “ثم إن جدّي وُلد في سنة 1900”, ama marka Ilaahay inta uu sheegay waxa la innagu la dardaarmay ee uu yidhi “ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ” haddana uu uga dambaysiiyay : ” ثُمَّ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَٰبَ “; tiiyoo insi iyo jinba ay wada og yihiin in Nebi Muuse siintiisii kitaabka iyo dardaarankeennan uu horreeyay Nebi Muuse, laakiin maanta “ثم”-dan ayaan ahayn tii kala dambaynta waqtiyeed faa’idaynaysay ee ah tii kala dambaynta xusid iyo sheegis (الترتيب الذكري أو الإخباري) laga qaadanay, afka Carbeedna adeegsiga noocan ahi aad buu ugu badan yahay.
Asluubka Ilaahay ee abuurkana markii aynnu eegaynno waa aadyar-aadayarkaas (التدريج), oo Ilaahay isaga oo awooda in ilbidhiqsi uu ku abuuro samaawaadka iyo arlada iyo wax kastaba haddana sidaas ma samaynnin, xikmado farabadan oo waaweyn ayaana ku jira oo culimadu ay sheegaan, uguna horreyso si ay suurtogal u noqoto in aynnu wax ka ogaanno oo aynnu u fahanno bilowgii iyo barbaariddii kawnka, si labadaa marka aynnu u garannana aynnu u saadaalin karno dhammaadka iyo mustaqbalka kawnka. Haddii aanu arrinku sidaas ahaan lahaynna waxba ka ma aynnaan garan kareen culuumtaas oo dhan, xitaa cadceeddeenna iyo xiddigaha kaleba marka la daraasaynayo sidii ay ku dhasheen waxa la fiiriyaa xiddigo kale oo markaas abuurmaya, haddii mid innoo jirta 13.6 bilyan oo sannad-ilayseed aynnu fiirinaynana waxa ay ka dhigan tahay in aynnu arkaynno qaraxii weynaa markii uu dhacayay sidii ay ku abuurmaysay, sababtuna waa in ilayska aynnu wax ku arkaynno ay ku qaadanayso 13.6 bilyan oo sano si uu innoo soo gaadho. Markaana waxaa la garan karaa sida xiddigteenna iyo xiddigaha kaleba ay ku abuurmeen, tadriijkaas abuurku haddii aanu jiri lahaynna waxba laga ma ogaadeen waxaas oo dhan.
Intaa marka laga yimaaddo, waxaa is ka caasho-garatay (بديهي ) ah in maalmaha Alle sheegay samaawaadka iyo dhulka in uu ku abuuray in aanay ahayn kuwan caadiga ah ee Sabti ka bilaabma Jimcana ku dhammaada, waayo maalmahaas waxaa lagu xisaabiyaa cadceedda ama ku wareegga dhulka ee cadceedda iyo dayaxa oo midkoodna aanu jirin xilligaas. Waana ra’yiga ay qabaan badi mufasiriinta iyo culimada Islaamku marka laga reebo qaybo ka mid ah oo ku saamoobay israa’iiliyaad iyo xadiis daciif ah oo xagga dambe aynnu ku xusi doonno. Imaamkii weynaa ee Aluusina waxa uu yidhi: “Suurtogal ma aha in maalmahan looga jeedo kuwan caadiga ah, waayo [kuwani waxa ay ku yimaaddaan] sida la sheego cadceedda iyo dhulka; waana wax aan maskaxda ku soo dhici karayn markii cir iyo dhul toona aanu jirin”. ¹
Qur’aanka dhexdiisana waxaa Alle ku sheegay maalin le’eg kun sano oo tirsigeenna ah, sida hadalka Ilaahay ee ” وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ “. Waxa kale oo soo aroortay maalin le’eg 50 kun oo sano, sida hadalka Ilaahay ee “فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ ; maalin qaddarkeedu uu yahay 50 kun oo sano”. Waxa aanay ka turjumayaan aayadahani sida waqtiga iyo goortu ay nisbi (relative) u yihiin sida Albert Einstein uu daaha ka fayday. Mararka qaarna Carabtu maalinka waxa ay u adeegsataa xilli gaar ah oo cayiman iyo marxalad, oo waxa ay is ka yidhaahdaan ” يوم صفين ” iyo “يوم الخندق ” tusaale ahaan, tiiyoo hal maalin dagaalladaasi aanay socon ee waqti badan ay socdeen.
Maalmahan la sheegay in samaawaadka iyo dhulka lagu abuuray meelna lagu ma sheegin inta ay le’ekaayeen, ma kun sanaa, ma 50, 000 oo sanaa, ma 100, 000 oo sanaa, ma milyan, mise waaba bilyan! Qur’aanka kariimka ah iyo xadiisyada Nebiga ee saxiixa ahna ku ma aanu soo aroorin hal nas oo qeexaya, marka laga reebo xadiis Abii-Hurayra laga soo weriyay oo Muslim iyo Axmed iyo qolyo kaleba ay soo saareen, kaas oo loo tiiriyay in Rasuulku uu yidhi” Ilaahay waxa uu abuuray ciidda maalin Sabti ah; buurahana waxa uu abuuray maalin Axad ah; dhirtana waxa uu abuuray maalin Isniin ah; waxa la xumaystana waxa uu abuuray maalin Salaasa ah; ilayskana waxa uu abuuray maalin Arbaca ah; daabbooyinka waxa uu ku dhex mushaaxiyay maalin Khamiis ah; Aadamna waxa uu abuuray bacdal casar Jimcaad maalmihii u dambeeyay abuurka saacaddii u dambaysay casarkii ilaa habeenkii.” Laakiin xadiiskan Imaam Bukhaari, Yaxya ibnu Maciin oo Bukhaari sheekhiisa aha iyo Bayhaqi iyo culimo kaleba waa ay daciifiyeen, waxa ayna sheegeen in cillado badan oo dhanka isnaadka iyo dhanka matniga ahba uu leeyahay, Bukhaarina waxa uu yidhi: “Culimada qaar waxa ay yidhaahdeen xadiiskan Abii-Hurayra waxa uu ka soo weriyay Kacbul-Axbaar [ ee Rasuulka ka muu soo werin]; saxduna waa sidaa ay yidhaahdeen”. ² Midda kale dhirtu ma jiri karto cadceed la’aanteed, haddana warkani waxa uu sheegayaa in dhirta la abuuray ka hor ilayska oo ah ka cadceedda, waana wax aan dhici karin marnaba.
Haddaba iyada oo lixdaa maalmood inta ay le’eg yihiin aan la sheegin, bal haddana aynnu is ku daynno in aynnu qaddarno; kollay culimo kalena way sameeyeen middane. Sida saynisyahannadu ay sheegeen, dhulku markii u horraysay waxa abuurkiisu uu soo bilaabmay muddo ku siman 4.543 bilyan oo sano, ilaa inta uu sidan hadda uu yahay uu ka noqonayayna waxa ay qaadatay 4.543 bilyan oo sano. Maaddaama Qur’aanka lagu sheegay in abuurka dhulku uu qaatay laba maalmoodna, waxa aynnu odhan karnaa labadaa maalmood waxa ay u dhigmayaan 4.543 bilyan oo sano. Marba haddii laba maalmood qaddarkooda aynnu ogaanaynna, ogobeey waxaa suurtogal ah in kuwa kale ee soo hadhayna aynnu soo saarno, sababta oo ah Alle waxa uu sheegay in maalmahaasi ay is le’ekaayeen ama ay is la mid ahaayeen( فِىٓ أَرْبَعَةِ أَيَّامٍۢ سَوَآءً لِّلسَّآئِلِينَ).
Haddiiba labadii maalmoodba ay innoo le’eg yihiin 4.543 bilyan oo sano; labada kalana waxa ay innoo le’ekaanayaan 4.543 bilyan oo sano; labada kalana 4.543 bilyan oo sano. Marka aynnu is ku geynana waxaa innoo soo baxaya tiro ah 13.629 bilyan oo sano, waana tiro u dhow amaba la la mid ah is la tirada saynisyahannadu ay ku xisaabiyeen cimriga kawnka, oo ah 13.7 bilyan oo sano! Markaana kawnka abuurkiisu waxa uu qaatay lix maalmood oo u dhigmaya 13.7 bilyan oo sano!
Dabcanna waxa laga hadlayaa wa intii uu qaatay abuurka kawnku laga soo gaadhayay maalintan uu Alle Nebi Muxammed u warramayay, laakiin marba marka ka sii dambaysana kawnku waa uu sii weynaanayaa oo waa uu sii fidayaa ee hal meel ma taagna sida culimada kawnka (cosmology) iyo falaggu (astronomy) ay xaqiijiyeen, in kasta oo Albert Einstein uu awalkiisii hore diiddanaa fiditaanka kawnka sidaa aawadeedna aragtidiisa Xigaalnimada Guud (General Relativity) uu ugu cubcubay wax uu u bixiyay Cosmological Constant (الثابت الكوني) oo markii dambe qalad u soo baxay, kuna kallifay in uu yidhaahdo kaasi waxa uu ahaa qaladkii ugu weynaa ee abid aan galay. Ilaahayna waxa uu Qur’aanka ku yidhi: “وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ ; Samada waxa aannu ku dhisnay awood; annagaana balaadhinaynna”, taas oo ka dhigan in marba marka ka dambaysa samadu ay sii fidayso oo ay sii ballaadhanayso, ee aanay ahayn wax taagan.

Lixda samo ee kale ee teennani ay ku toddoba tahay, Ilaahay baa xaqiiqada oge waxa ay u muuqdaan in ay ka dhigan yihiin toddoba kawn oo kale oo barbarsocda keennan, waana ta aragtida Inflation-ku (التضخم الكوني ) ay saadalainayso in kasta oo aanay sheegaynnin tiro cayiman oo toddobo ah, laakiin ay sheegayso in inyar ka dib qaraxii weynaa uu kawnku bilaabay in uu fiditaan iyo weynaan xad-ka-bax ah uu sameeyo, markaana ay suurtogal tahay in qaybo ka mid ahi ay ka falliidhmeen oo halkaa kawnan kale ay ka abuurmeeen. Waxaana markaa taasi ay xoojinaysaa fikradda kawnanka badan (multiverse; الأكوان المتعددة ) ee weli ilaa hadda aan aragti saynis u gudbin, taas oo maalmo dhowyadna qormo u badnayd dhinacyadeeda falsafadeed aynnu ka qornay.
Saxaabigii weynaa ee Ibnu-Cabbaas ee tafsiirka loo furayna mar nini uu weyddiiyay macnaha toddobada dhul ee Alle ku sheegay suuradda al-Dalaaq aayadda “اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ الْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلماً” waxa uu yidhi “wax aan ka baqayaa haddii aan kuu sheego in aad gaalowdo, gaalowgaagaasina ma aha in aad Alle diiddee waa in aad macluumaddan aad u qaadan weydo oo aad inkirto”. Laakiin mar dambe ayaa ardaygiisii Abii-Duxaa uu isna weyddiiyay oo markan uu ka jawaabay, waxa aanu yidhi Ibnu-Cabbaas: ” Waa toddoba dhul, dhul kastana waxa jooga nebi nebigiinna la mid ah, Aadan Aadankiinna la mid ah, Nuux Nuuxiinna la mid ah, Ibraahin Ibraahinkiinna la mid ah iyo Ciise Ciisihiinna la mid ah.” ³ Hadalkan Ibnu-Cabbaas uu sheegayna waxaa uu faa’idaynayaa macne u dhow ka fardiyada parallel universe-ku (الأكوان المتوازية ) ay hadda ka warranto.
Tixraacyo
1. Ruuxul Macaanii, Muxammed Shihaab ad-diin al-Aluusi (J6/62)
2. At-Taariikhul Kabiir, Muxammed ibnu Ismaaciil al-Bukhaari (J1/413)3.
3. Waxa soo saaray Xaakim, waxa uuna yidhi: ” isnaadkiisu waa mid saxiix ah”.