Aqoonsoor
HomeArticlesPDF LibraryAuthorsAboutContact

Categories

BayoolajiFalagFekerGoogoosyoIimaan & IlxaadJiyoolajiSaynisSaynis & DiinUncategorized
Home/Maqaallo

Quulle (sheeko gaaban)

Waa mar aan gaajo iyo harraad la go'ayo, iyo mar aan dagaallo iyo colaado la gubanayo. Laba goorana waa ii qaxoonti iyo jab. Jidh ahaan waan nool ahay, balse…

ABAbdikarim Sheekh Bashiir · 4 min read𝕏
Quulle (sheeko gaaban)

Waa mar aan gaajo iyo harraad la go'ayo, iyo mar aan dagaallo iyo colaado la gubanayo. Laba goorana waa ii qaxoonti iyo jab. Jidh ahaan waan nool ahay, balse waan mootan ahay nafsad ahaan, laga soo bilaabo maalintaan caqliyaystay. Maalintaas ka hor dunida waan ku cusbaa, shay walibana dhadhan gooni ah buu ii samayn jiray. Daqiiqadaha ciidda aan ku ciyaarayo, ee sida awrta aan ku gelgelimaysanayo, ilaa aannu isu midab egaanaynno, adduunyada wax loo dhigo oo aan ku doorsan karayay muu jirin. Uunka oo dhan wax aan aamminsanaa in uu i jecel yahay sida aniguba aan u jecel ahay, oo aanu i necbayn sida aniguba aanan u necbayn. Alla farxad iyo qosol badnaayaa! Oo qurux iyo qaayo weynaayaa! Wax aan ahaa ubax ugub ah oo hadda soo kacaya; iniin curdin ah oo hadda soo biqlaysa; iyo ilays la naawilayo oo imika soo bidhaamaya.

Toddoba jir markii aan noqday baa hooyaday ay geeryootay. Maya, may geeryoon, ee waa la dilay. Maanta oo kale xilli galab ah baa ay ahayd. Shan dharaarood kahor roobabkii guga ayaa curtay oo balliyada iyo ceelasha buuxiyay. Cirka gabadhlaynaya, raha gawda haya iyo dhawaqa shimbiraha ayaa ahaa waxa qudha ee dhegahaagu ay maqlayaan. Xareedda wadhan iyo dhulka durba soo cagaarayana waa waxa qudha ee indhahaagu ay qabanayaan. Gugii kaas ka horreeyay abaar ba'an baa nagu habsatay oo bakaylaqaleen ah, oo xayntii adhiga ahayd ee adduunba aannu ka lahayn naga qaadday. Gugani se waa gu barwaaqeed oo badhaadhe iyo bilkhyar baa noo bilaabmay. Qoyskayagu waa laba wiil iyo inan anigu aan afarreeyo, hooyo iyo aabbana ay lix nagu yihiin. Ilmihii shanaad baa hooyo ay caloosha ku siddaa, oo maalin dhow la filayaa in uu nagu soo biiro.

Markii hore in magaalada la geeyo baa lagu taliyay, balse aabbo ayaa diiday oo in ay gurigeeda is kaga ummusho ku dooday, sidii horeba ay ugu ummushay. Laba habeen oo xidhiidh ah baa ay foolanaysay, oo jiif iyo joogba ay xammili weyday. Waxa la yidhaahdaa fooshu waxa ay la xanuun tahay 260ka lafood ee jidhkaaga ku jira oo hal mar la wada jabiyay, haddana taas la ma eego la mana dareemo ee waxa ka dambeeya ayaa la fiiriyaa markaas baa qosol iyo farxad la la wada riyaaqaa, xanuunka iyo cidda uu hayana la isu daayaa. Waa nooc arxandarro ah, oo xayawaannimo ah, oo bani'aadannimada iyo islaamnimada ka baxsan, balse tuuladayada caadi ka ah. Habeenkii saddexaad baa aabbo uu oggolaaday in magaalada loo qaado, kaddib markii ay ka fursan weyday. Tuulada aannu deggen nahay ma laha ambalaas xaaladaha degdegga ah loogu talagalay, marka laga reebo mid kharaabay oo dhowr sanaba aan dhaqaaqin. Waxaana qasab noqotay gaadhiga Dhaynaha ah ee berri caanaha qaadi doona in la la sugo.

Xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen baa waagii uu beryay, hooyana sidii caagad caano ah Dhaynihii dusha laga saaray. Shan sano ka hor uun bay ahayd markii niman doorasho doonayaa ay na soo booqdeen, oo waddada tuulada iyo magaalada is ku xidha oo 30 KM ah in ay afar bilood ku dhisayaan noo ballanqaadeen. Araggooda maalintaas baa noogu horreysay nooguna dambaysay, imika oo shan sano laga joogana weli waa sidii ay kaga tageen. Roobabkii habeen shanaadkii curtay baa ilaa maanta da'aya, oo meel walba biyo iyo dhooqo dhigay. In door ah markii gaadhigii uu socday baa uu dhiidhi galay, afartii taayirna ay dhaqaaqi waayeen. Iskudayo badan oo la sameeyay waa lagu fashilmay, hooyana halkaas baa ay ku ummul-aroortay, oo daryeel la'aan iyo dawlad xumo ay ugu dhimatay.

Waqti kale oo aan aad u fogayn bay ahayd markii nin aannu ilma'adeer labaad nahay iyo nin kale ay is af-dhaafeen, gacanina ay kala gaadhay. Afar arroorood kaddibna walaalkay curad oo ardaaga ku gawracan baannu ku waabbariisannay, oo ninkii loogu aaray. Hubka ayaa la isu urursaday oo geeskagees colaad baa ka aloosantay. Marka laga yimaaddo in garabkaygii labaad ee booskii hooyo noogu jiray aan waayay, hadda aniga ayaa halis ku jira oo la i leeyahay "Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane", waayo 15 jir baan ahay oo gaashaanqaad baan noqday. Dunida kale wiilku marka uu da'daydaas gaadho mustaqbal wanaagsan baa u curta, oo horumar iyo ibaxnimo ayaa loo rajeeyaa, balse halkayagan dil iyo hoog baa looga baqaa, iyo in aano loo dilo. Waa mid ka mid boqollaalka waxyaabood ee na kala sooca, ee gaarka aannu u leennahay. Dumar iyo carruur iyo wixii aan dagaal gali karayn qax iyo barakac baa u bilaabmay, iyo in dhulka colaaddu ka qaraxday aannu ka fogaanno. Wixii xoog iyo muruq lahaana qorigay qaateen, si kuwo iyaga la mid ah ay u soo dilaan, iyaguna ay u soo dhintaan.

Afar iyo afartan maalmood kaddib waa anigaa quusta ah, ee qallalay, ee qaadhay, ee qoriga noqday. Iyaguna waa kuwaas is qashay ee dadqalatoobay, ee meydadkoodii oo qudhmay habeenba waraabuhu uu mid ruugayo.

AB
Author

Abdikarim Sheekh Bashiir

More by this author →
Quulle (sheeko gaaban) | Aqoonsoor