Aqoonsoor
HomeArticlesPDF LibraryAuthorsAboutContact

Categories

BayoolajiFalagFekerGoogoosyoIimaan & IlxaadJiyoolajiSaynisSaynis & DiinUncategorized
Home/Googoosyo

Ceeryaanta Madaxfardooleyda

Ceeryaanta Madaxfardooleyda ( Sawirkan waxaa 2013 ka qaaday tiliskoobka Habal (Hubbel). Halkani waa ceeryaanta lagu magacaabo Madaxfardooleyda (Horsehead…

ABAbdikarim Sheekh BashiirSebtembar 5, 2024 · 1 min read𝕏
Ceeryaanta Madaxfardooleyda
Ceeryaanta Madaxfardooleyda (Sawirkan waxaa 2013 ka qaaday tiliskoobka Habal (Hubbel).

Halkani waa ceeryaanta lagu magacaabo Madaxfardooleyda (Horsehead nebula; سديم رأس الحصان) oo inoo jirta 1500 oo sannad-ilayseed, waxa ayna dhacdaa ceeryaanta kale ee weyn ee Oraayanta (Orion nebula; سديم الجبار) dhexdeeda oo ka tirsan ururxiddigeedkeenna Diillincaanoodka (Milky way; درب التبانة), dhexroorkeeduna waa 3.5 oo sannad-ilayseed.

Ceeryaanta Oraayanta (Sawirka waxaa 2006 qaaday tiliskoobka Habal)

Ceeryaantan Madaxfardooleydu waxa ay hodan ku tahay Haydaroojiinta iyo boodhka kawniga ah, waxaana ka samaysma xiddigo ugub ah oo aad u tirobadan. Madaxfardooley waxaa loogu magacaabay qaab-abuurkeeda madax faras u eeg, lagu mana arki karo isha caadiga ah ilayskeeda oo yar aawadii, balse tiliskoob haddii aad haysato si wacan baad u arki kartaa.

AB
Author

Abdikarim Sheekh Bashiir

More by this author →

Related reading